WorldRemitAds

Wajaale, Somaliland, November 3, 2014 (Saxafi) – Muda-haraad weyn ayaa shalay  ka dhacay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale oo ku taala xuduudka ay waddaagaan Somaliland iyo dalka Ethiopia,  ka dib markii ay dadweynaha magaaladaasi ka cadhoodeen guryo badan oo uu dab qabsaday oo ay waayeen waxay ku bakhtiiyaan.

Illaa labaatan guri ayaa la sheegay inay ku gubteen dabkaasi qabsaday, haseyeeshee cid wax ku noqotay lama sheegin, marka laga reebo hanti badan oo ku burburtay halkaasi, waxaana Dabka lagu bakhtiiyey dadaal badan oo ay dadweynuhu sameeyeen, kuwaas oo gacantoodda ku bakhtiinayey.

Wajaale Dab ka dhacay

SomlegalAds

Dabkan ayaa markii la bakhtiiyey waxay dadweynaha reer Wajaale magaaladda dhexdeeda ka sameeyeen mudaharaad ay kaga cabanayaan dab damis la’aanta, waxaanay eedeyn u soo jeediyeen maamulka degmadda Wajaale oo ay ku sheegeen maamul aan waxba qaban. “Maanta hanti badan ayaa ku shuf beeshay, wax gurmad ah kamaanaan helin dawladda hoose ee Wajaale, waxaanay guran yaqaanaan un lacagta balse waxba dadka looguma qabto, waxaana ka codsanaynaa madaxweynaha in maamulkan daciifka ah la naga bedelo”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka mudaharaadayey oo si cadho leh u hadlayey.

Illaa hadda lama hubo xaddiga khasaaraha dabkaasi dhaliyey, isla markaana masuuliyiinta Wajaale kama soo saarin warbixin ku aadan khasaaraha dabkaasi geystay.

Magaaladda Wajaale ayaa ah magaalo xuduudeed u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, waana magaalo ganacsi ay si weyn ugu xidhan dadweynaha Itoobiya, haseyeeshee malaha Dabdamis haddii dab yimaado lagu bakhtiiyo, in kasta oo ay dhaqaale badan soo saarto, waxaanay dadweynuhu sheegeen in lacago  badan laga ururiyey, haseyeeshee waxba loogu qaban.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.