WorldRemitAds

Shirkad ama urur mideeya hudheelayaasha dalka Kanada gaar ahaan kuwooda loogu yeedho, Hudheelada Pizza Hut ayaa dhawaan hindisay cadar cusub oo ay ugu magac dareen, (Pizza Hut), kaas oo sida la sheegay urtiisuna aad ugu dhow dhow dahay urta raashinta ama cuntada Pizza loo yaqaano.

Cadaradan oo ka kooban dhowr nooc ayaa urtoodu kala tahay mid u uraya sida daqiiqda cajiinka ah ee laga sameeyo, pizza oo aan lagu darin xawaashyada laakiin aad u bislaatay iyo noocyo kale oo ah urta ay ka helaan haweenka uurka leh ee jecel cunista Pizza-ha.

Ikhtiraacista iyo kaga dhabaynta samaynta cadaro leh urta cuntada gaar ahaan noocyadeeda laga jecel yahay meelo badan oo aduunka ah ayaa ku bilaabantay hab kaftan oo kale ah, kaas oo dhex maray qaar ka mid ah dabaakhiinta iyo kooxaha suuq galinta u qaabilsan shiradahaas, kuwaas oo wax iska waydiiyay sida looga dhabayn karo fikradaas.

SomlegalAds

Mulkiilayaasha shirkadan ayaa sheegay in dedaal badan ay ka galeen sidii ay ugu guulaysan lahaayeen, una samayn lahaayeen cadar suuqa ka gala oo leh urta cuntada Pizza, taas oo ugu danbayntii ay ku guulaysteen wallow sida ay ku doodayaan ay dhibaato iyo tijaabooyin badan oo aanay ku talo galin la gashay.

Cadarka Pizza Urtiisa LehSida uu sheegay ninkii fulinta figradan lahaa, waxa marar kala duwan lagu guul daraystay samaynta ama sida loo heli karo, urta Pizza-da oo saafi ah, waxaanay ur ama carfi tiro badan oo ay kaydsadeen markii maadooyin kale lagu daray uga ur ekaadeen waxyaabo kale oo way is bad badaleen.

Isku soo wada duubo ugu danbayntii ayay kooxdani ku guulaysteen inay hantiyaan oo ay helaan urtii loo baahnaa oo saafi ah, lana mid ah ta Pizza ee dad badani inay ursadaan jecel yihiin, taas oo sida la sheegay marka la isku soo xooriyo urtan lana badhxo lagu dari dono, kumayaal quruuradood oo cadar ah oo la doonayo n urtoodu yeelato ta cuntadaas oo kale.

Mid ka mid ah dadkii hawshan waday ayaa ku tilmaamay arrin iyo figrad waali ah oo aanay ku tala gal buuxa u haysan, laakiin inta ay la gashay ku dhex balaadhatay, waxa kale oo uu ninkaasi ka sii faro taagay in figrad danbe uu ula tagi doono kooxaha wax ikhtiraaca oo uu ku tilmaamay kuwo dabin la taagan meel jid ah wixii u soo galana aanay ka baxayn ilaa ay iska fur furaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.