WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 11, 2015 (Saxafi) – Wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye oo wax laga waydiiyey nin ka tirsan ciidamada Sirdoonka Itoobiya oo dhawaan la sheegay in Hargeysa lagu dilay ayaa sheegay in dil kaasi uu jiro, isla markaana baadhitaano kala duwan lagu hayo.

Wasiir ku xigeenka oo shalay saxaafadda kula hadlayay magaalada Hargeysa mar uu ka jawaab bixinaayey warbixin ay soo saareen xarunta xuquuqal iinsaanka ee Somaliland ayaa la waydiiyay su’aal la macno ahayd ama u dhignayd, ‘Hargeysa waxaa ka dhacday nin sarkaal ah oo Itoobiyaan ah in magaaladda Hargeysa lagu dilay dhawaan, sida xogta aanu ku helayno koonfurta magaaladda, Hargeysa oo ay wefti wasiiro Itoobiyaan ahi hadda magaaladda ku sugan yihiin horena ay u yimaadeen maxaad arrintaas xog ka haysaan ka wasaarad ahaan?’
SirdoonkaWaxaana uu kaga jawaabay oo uu yidhi Wasiir ku xigeenku. “Arrintaasi waa arrin gacanta lagu hayo oo wuu jiraa ninkaa la dilay. Cidii dishayna waa la hayaa tiroba dad badan ayaa loo hayaa. Arrintaasi waxay maraysaa wadadeeda iyo baadhisteedii ayaa ku jirta oo wax cadaymo lagu hayaana way jirtaa wax tuhun ah lagu hayaana way jiraan”
Wasiirka oo wax laga waydiiyey in magaaladda Hargeysa kooxo kale oo aan asal ahaan ka soo jeedin Somaliland inay falal dilal ah ka gaysan karaan ayaa sheegay inay dhici karto, isla markaana ku dooday inay ka dhacdo wadamada kale ee adduunka: ‘Markaa ONLF waxbay ka gaysan karaan ayaa la odhan karaa saw maaha Hargeysa gudaheeda? Ayaa la weydiiyay Wasiirka waxaana uu yidhi. “ONLF, Al-Shabaab iyo inkaar oo dhami way ka gaysan karaan, oo ninka dambiga samaynayaa dal kasta ayuu ka gaysan karaa, Addis Ababa ayuu ku gaysan karaa, New York ayuu ka gaysan karaa Hargeysana wuu ka gaysan karaa” ayuu ku dooday wasiirkua

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.