WorldRemitAds

Dadka aan islaamaka ahayn ayaa aragtidooda ka bixiyey bisha Barakaysan ee Ramadaan ee dadka Muslimka u ah bil ay cibaadaystaan oo ay sooman yihiin.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Bisha barakaysan ee Ramadaan waxa ay ka mid tahay, wakhtiyada ugu saamaynta badan guud ahaan, caalamka oo dhan gaar ahaan dadyowga Islaamka ah, waxa ay bishani leedahay xaalado ka duwan, bilaha kale ee sanadkan, dhamaan dadka muslimka ah waxa hadheeya jawi, naxariis iyo farxadi ku dheehan tahay, kuwaas oo is badal balaadhan oo la taaban karaa, ku yimaado guud ahaan nolol maalmeedkooda.

Dhinaca kale waxa jira dadyow badan oo aan muslimiin ahayn, diinta islaamkana aan aaminsanayn, hasa yeeshee dad islaam ah ay wada nool yihiin, kuwaas oo aragtidooda ka bixiyay, kana hadlay sida ay u arkaan.

Shabakada wararka Yahoo.com ayaa rayi ururin la xidhiidha arrintan samaysay, waxaanay dad kala duwan oo aan muslimiin ahayn, wax ka waydiisay sida ay u arkaan bisha Ramadaan iyo aragtida ay ka qaataan.

Elie Maalouf waa gabadh masiixiyad ah oo u dhalatay dalka Lubnaan, waxaanay muddo dheer soo arkaysay ama ay wada degan yihiin dad muslim ah, oo wakhtiyada kale noloshoodu isku mid tahay, laakiin marka la gaadho bisha barakaysan ee Ramadaan, waayahooda kala duwanaado, sida ay sheegtay, bisha barakaysan ee Ramadaan marka ay soo gasho waxa ay dareentaa in qaar badan oo ka mid ah, saaxiibadeed munaasibad diineed ay u soo gashay.

Sida ay sheegtay waxa ay taasi sababtaa, in kala duwanaansho ku dhaco noloshooda, taas oo kala kaxaysa, ama wakhtiyadii ay wada joogi jireen, soo koobmo, sida ay tilmaantay muslimiinta ay saaxiibada yihiin, waxa ay ugu yeedhaan, inay la afurto, waxaanay aragtaa iyaga oo tagaya taraawiixda iyo salaatu laylka, taas oo kala reebta.

Sida ay xustay waxa ay gabadhani aad u jeclaysataa xaalada muslimiinta, waxaanay dareentaa haybad iyo qiimo badan oo u kordha, soo dhawayn iyo naxariis badan ayay sheegtay in ay ka dareento saaxiibadeed, inkasta oo ay muujisay sida ay dhibaato ugu noqoto, cunto cunista wakhtiyada maalintii ee la sooman yahay, taas oo ay tilmaantay in asxaabteeda qaar ka mid ahi dhibsadaan, wajigana ku gubaan, marka ay iyada oo is ilawsan cunto ama cabitaan ku kacdo, iyadoo sida ay sheegtay garanaya in ay masiixiyad tahay, wallow ay xustay in ay jiraan, kuwo badan oo dulqaad ka muujiya, niyadana u dhisa.

Sidoo kale gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Yolanda Lucas, una dhalatay dalka Isbayn oo la waydiiyay ayaa sheegtay in markii hore aanay wax badan ka aqoon ramadaanta, hasa yeeshee waayo aragnimo badani uga soo korodhay, mar ay fasax ku tagtay dalka Masar, wakhtigaas oo ay ku beegantay bisha barakaysan ee ramadaan oo lagu jiro.

Gabadhan reer Isbayn ayaa sheegtay in xaalada iyo jawiga Ramadaantu aad uga yaabiyay, wax badana ay dareentay oo su’aalo badan iska waydiisay sida qofku awood ugu yeelanayo inuu joojiyo, dhamaan baahiyaadkiisa nafeed.

Gabadhani waxa ay aad uga yaabtay, cunto iyo cabitaan ka tagista muslimiinta, waxa kale ay wax mucjiso ah ku tilmaantay dedaalka iyo cibaado badnida ay muslimiintu ku kacaan bisha Ramadaan, sida taraawiixda, salaatu laylka.

Sida ay gabadhani tilmaantay waxa aad u soo jiitay soo dhawaynta iyo naxariista badan ee muslimiinta, taas oo ay sheegtay in ay ku beertay xiiso iyo jacayl, kuna kaliftay in ay dadka sooman afurka u diyaariso wixii shaqo ah ee ay qaban kartana la qaban jirtay haweenka muslimiinta ah intii ay ku sugnayd dalka Masar.

Ugu danbayntii waxa ay gabadhani sheegtay in laga bilaabo wakhtigaa ay safarka kaga soo laabtay Masar, ay sanad kasta samayso, afur dad kala duwani ka soo qayb galaan, oo ay ku beegto maalinta ugu danbaysa bisha Barakaysan ee Ramadaan, kulankaa afurka ahna ay dadka aan muslimiinta ahayn uga waranto shucuurta iyo wanaaga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dadka kale ee ka hadlay waxa ka mid ah, kuwo u dhashay waddamada, Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Urdun iyo Hindiya, kuwaas oo dhamaantood ka waramay qiimaha iyo sharafta u soo korodha muslimiinta iyo haybada wayn ee bisha barakaysan ee Ramadaan leedahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.