WorldRemitAds

Qalinka: Cali Duulduul

Kala-maan: Qaafo, Qaafo, toloow saaka habartii buulkani miyay bakhtiday?

Qaafo: waar bakhti oo fuure, halkii waagu kuugu beryay maxaad ugu bariisan wayday?

SomlegalAds

Kala-maan: waar yaadhaheen dhega wadanaa, ma warbaahintii Soomaalind-taa xagagay naga maqlaysay? Ee heedhe dee shalay adigoo meel xaasaasi ah I marinaya sheekadaa Riyihii kaa dharaarsadeene. Bal saaka halkii iiga sii wad oo maxaad tidhi?

Qaafo: yaroow waxaan ku idhi mudaharaadka Baay iyo Bakool waxba kama duwana ka Gebilay oo waa caruura cabsiis. Kol haddaan hub iyo baaruud laysu sidan waa subag hooyo ku marisay ee weligaa markaad wax ii sheegayso wax macna leh ii sheeg.

Haddaan kaaga warramo taliyaha dhintay, dee dadku weligiibuu dhimanayay, nin dhintayna waa la aasaa, alle haw naxariistona waa la yidhaahdaa. Laakiin, halka Soomaali lala marayo, waa laga filayay in la yidhaahdo maydkiinana ha laydinka soo jeeg-gareeyo sidii ay Soomaalidu u dhimato si’aan dadka kale u dhiman. Taasina waa taa.

Daacuftaad sheegayso, waar guriga haddii degsiinadu ka raagto, kolkii horena uu ahaa degel guun ah waxaa la yidhaahdaa Xas iyo bahalle. Wax waliba way galaan Abris, Abeeso, Abguri, malwo, manso-cagalay, amuur iyo sangoroflayaasha aadunka ah ee aan waxba reebin intuba waa degeshadaan. Markaa meel dhawr iyo labaatan sanadood walaaqnayd oo aan wax  nidaam ahi  ka jirin wax waliba way soo gelayaan oo sabistashan iskadaayoo saldhigyay ka samaysanayaan. Walaw aanan jeclayn inaan wadaadaa afka la gaadho, duulka awgood ma daarree. Haddana, intaasi haygaga duusho.

Midbaan illaawayaaye isug aan xasuustee, haa waxa la yidhi kkkkkkkk aduunyada nikii dhimanwaaya wax walba wuu arkayaa.

Kala-maan: Qaafooy halkaa aadbaad ugu qososhaye. Maxaa dhacay?

Qaafo: waxaan ugu qoslay. Dee horta xooluhu waa saddex marsi marka sayladda la geeyo. Waa geel iyo wuxuu cago ku jiito. Adhi iyo wuxuu cago ku jiito. Iyo ahmin iyo wuxuu cago ku jiito. Markaa waad garanaysaayoo dee waxaa ugu qaalisan geel iyo wuxuu cago ku jiito, ahmin iyo wuxuu cago kujiitaana wuu ku xigaa. Sidaas oo kale dadkuna waa sadex marsi. Maraykan iyo wuxuu cago ku jiito. Ruushan  iyo wuxuu cago ku jiito iyo Carab iyo waxay cago ku jiidato. Markaa saddexdaa ka ugu qaalisan aniga oo Qaafa ah ayaaba garanaaya, oo haddii aan Maraykan iyo gaalada qaaliga ah oo aan Ruushan iyo inta la dheegga ah waayo dee Hindi iyo biira biiraha bariga fog lagu sheego waxba kuma faleen. Markaa waxay sii daayeen waa Hindi, waxay haysteenna waa Hindi, Hindiyina dad waxba ku falimaayaan oo kuwii horeba khaatiyaan bay ka joogaan. Kuwaasna intaasaa igaga filane. Naayaadha wax walba miyaa laysu la imanayaa.

Kala-maan: Qaafooy intaa hore gartaye god qudhaa ii hadhay.

Qaafo: naayaadhaheen yarkani horta hadal badanaa. Anigu yaabaye ma idaacad shidan buu liqay nafluhu kala awood roone, waar heedhe heedhee. Mayee, bal horta soo daa?

Kala-maan: Qaafooy horta waad buraanburtaa oo gabayna wax waad ka tirisaa, geeraar ka-waxna waa lagugu xantaa. Dee meelo aad wax ka tirtirisayna waan maqalaye. Horta, heesihii hore ee aad soo gaadhay iyo kuwan dambe. Haddiiba aad maqashay maxay ku kala duwanyihiin. Dee igana raali noqo Islan weynna waad tahaye.

Qaafo: Waar heedhe horta heesihii anigu aan soo gaadhay, waa kuwaa Ilaa hadda soconaya ee duugoobi waayay. Kuwanna, wiil halkoo macaash yar ku haysta oo aan kolkol in caano ah u geeyo, ayaan dhegaystay hees ku sheeg ka baxaysay bahal yar oo miiska u saarnaa oo aan raadyoowna ahayn.

Kala-maan: ee waa tv oo adigu muraayad baad u taqaanaa.

Qaafo: Waaryaa! Waaryaa aniga maxaad I mooday. Waxani raadyoow ma hayn. Muryaayadda muuq-warrantana muu ahayn oo kuwaa waan aqaannaaye. Wuxuu ahaa wax ka yar kana qaylo badan oo anigu aan garan waayay halka lagaga jiro. Waar waa wax dadkoo dhan lagu salliday oo yar iyo weyn la sito. Waar dee waa kan aad gacanta ku sidato. Horta maxaad noo xiijisaa?

Kala-maan: laa’ilaah illalaahu! Ee dee adigana badaw-nimaa lagugu alhuumeeyay. Eeyaahe waxaa la yidhaahdaa Mobile.

Qaafo: waar wuxuu doono ha ahaadee, hay wareerinne weli shaah maan karsanne. Bahalku wuxuu lahaa “nolosha cusub soo dhawee nolosha cusub soo dhawee” intii aan taagnaa ayaa mid kale soo galay waaryaahe gaagaabnaantay kaga dareen. Hadala kolkiiba gabadha baa dhawaaqday oo waxay tidhi “Qof jacayl hayo ilaahay baa dhibaye adiguna ha sii dhibin” kolkaan ka soo dhaqaaqayayna dhawaaq kalaa yeedhay, markaasaan yara dhega nuugsaday. Markaasuu ku dhuftay “yartiibaan si xun u galay” markaasaan anigu iskaba dhaqaaqay.

Kala-maan: Sadexdaa sideebaa macnahoodu kuugu kala dhacay?

Qaafo: horta inanka heesayee yidhi “nolosha cusub soo dhawee” wuxuu u jeedaba waan garan waayay. Adigaa ciyaala suuq ahoo xiiseeyee ma qoon kalaa inoo yimi. Gabadha tidhi “qof jacayl hayo ilaahaybaa dhibaye adiguna waxba ha sii dhibin” malahayga taasaaba loogu qatayoo dee qof waxaanu haynin doonayaa wayska dhibanyahay. Laakiin, waxaan yaabanahay ka yidhi “yartiibaan si xun u galay” adaan ku waydiiayaye toloow muxuu ku sameeyay? Haduuse wax xun ku sameeyay xumaani sawtii la qarin jiray ma ahayn muxuu ugu heesay. Yartuu sheegayaa miyaanay reer ka dhalan.

Kala-maan: qaafooy, qaafooy qaafooy.

Qaafo: waar waa maxay sidaad qof dhega la’a la hadlaysuun baad qaylisaaye.

Kala-maan; ee heedhe.

Qaafo: waaryaa I waydaaro aan shahayga kaa karsado

Kala-man: Qaafooy dee maanta taydhaad noo dartee?

Qaafo: ban iyo kir baa lagu yidhi.

Lasoco qaybaha dambe……………………

 

Cali Ismaaciil (Cali Duulduul)

0634414633

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.