WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 03, 2016, (Saxafi) – Dadweynaha xaafadda Sheedaha iyo Ardayda dugsiga sare ee Gaandhi ee magaaladda Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Taawar Isgaadhsiineed oo ku yaala xaafadaasi oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan.

Dadweynahan oo doraad isu soo bax ay warbaahinta kulla hadlayeen oo cabasho ah isugu yimi ayaa tilmaamay in Xaafaddaasi dadka degan iyo ardayda Dugsiga Gaandhiba ay dhibaato xoogan ku hayo Taawar ama Bir Isgaadhsiineed oo xaafadaha iyo iskuulkaba dul-sudhan, iyadoo mid labaadna la wariyay in lagu soo waddo. Waxana dadka xaafadahan oo cabashadoodda dhiibanaya hadalkooda ka mid ahaa oo ay yidhaahdeen. “Si nabadgalyo ah ayaanu dareenkayaga u cabiraynaa. Maayarka, hadii ay tahay, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo tan Boosaha iyo Isgaadhsiintaba waxaanu leenahay arrintan wax laga qabto oo Birtan Taawarka ah halanaga raro Dhibaato ayay nagu haysaaye, ” Sidaasna waxaa yidhi wiil ku hadlayay magaca dhalinyaradda xaafaddaasi.
“Waxaanu ka cabanaynaa Birtan Taawarka ah oo aanu hoosta kaga jiro oo guux iyo dhibaato nagu haysay muddo dheer, hadana mid kale ayaa la leeyahay waa la keenayaa. Dawlada sharafta leh waxaanu doonaynaa inay nala eegaan oo naga qabtaan Birahan” Hooyo ka mid ah dadka xaafadaasi ayaa sidaasi tidhi.
Oday ka mid ah dadka xaafada ayaa isna yidhi. “Waanu wada xanuunsanaynaa, Iskuul iyo xaafadaba, waxana aanu u aragnaa in dhibaatadu tahay Birtan na dul taala oo waliba la leeyahay mid kale ayaa la soo waddaa, waxaanu leenahay halanaga fujiyo. ”Ayuu yidhi oday kale oo ka mid ah dadka xaafadaasi. “Birtan horena hala naga qaado, tu danbena ma ogolin. Waxaanu leenahay Dawladdu arrintan wax ka qabato, dadweynihii waa wada xanuunsanayaan, Caruurtii Iskuulku waydinkaa arka. ” Sidaasna waxa yidhi Oday ka mid ah odayaasha xaafadda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.