WorldRemitAds

Xudur, Somaliya, March 22, 2012 (Saxafi) – Dagaal adag ayaa shalay galab ku dhexmaray xoogaga Alshabaab iyo Ciidamadda Itoobiya deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay inay dagaalkaas khasaare ugu geysteen ciidamadii Itoobiya, kuwaasoo ay xuseen inay ku wajahnaayeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Itoobiya oo ku saabsan dagaalka, iyadoo inta badan saraakiisha Itoobiya ee hoggaaminaya ciidamada ku sugan Soomaaliya aan looga baran inay faahfaahin ka bixiyaan dagaallada ay la galaan Al-shabaab.

SomlegalAds

Gobolka Bakool oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinaca galbeed ayaa waxaa sidoo kale shalay ka taagnaa magaaladda Xudur xiisado colaadeed oo sababay inay dadkii ku noolaa degmadaas billaabaan barakac.

Xaaladda deegaankii uu dagaalka ka dhacay ayaa daggan, balse weli waxaa ku sugan deegaankaas ciidamadii uu dagaalku dhexmaray, iyadoo dadkii ku noolaa ay isaga carareen deegaankooda markii ay xabbadu billaabatay, inkastoo la sheegay in dagaalkaasi keenay khasaare naf iyo maalba leh hadana wali si cad looma sheegin inta uu gaadhsiisan yahay khasaarahaasi.

Dhinaca kale, Diyaarado nooca dagaalka oo la aaminsanyahay in ay leedahay dowladdaKenyaayaa la sheegay in ay duqeyn xooggan u geysteen gadiid xamuul ah oo ka ambabaxay deegaanka Dhoobleey, kuna sii jeeday gobolka Waqooyibariee dalkaKenya.

Gaadiidkan la duqeeyay ayaa lagu sheegay inay yihiin lix gaadhi oo shixnado ganacsi u siday xerooyinka qaxootiyada ee ku yaal waqooyibaridalkaKenya, waxaana duqeynta loo geystay gaadiidkaaasi ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa imika ma cada khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeyntaasi, haseyeeshee wararka aynu ka heleyno deegaanada ku dhow dhow goobta ay duqeynta ka dhacday ayaa sheegaya in ay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo weliba burbur soo gaadhay gaadiidka.

Inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u faahfaahisay duqeynta loo geystay gaadiidka xamuulka ah ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in diyaaraduhu ay ku qaldoomeen gaadiidka xamuulka sida islamarkaasina ay u maleeyeen in ay leeyihiin xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamadaKenya.

Diyaaradaha dagaalkaKenyaayaa aalaaba duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya waxa ku waxyeelooba dad rayid ah, iyadoona arintaasi ay walaac ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab, iyadoo dhaawana qoys dhan oo u badnaa caruur ay madfac ku rideen ku hoobteen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.