WorldRemitAds
Burco, Somaliland, December 20, 2015 (Saxafi) – In ka badan saddex iyo toban qof ayaa ku geeriyooday, toban qofna way ku dhaawacmeen dagaal beello reer Somaliland ah ku dhex maray deegaanka Gaashaamo ee maamul goboleedka Soomaalida Itoobiya.

Dagaallkan ayaa ka dhashay ka dib markii la isku qabsaday Baraago laga qodayey Deegaan hoos yimaadda degmadda Gaashaamo ee ismaamuulka Soomaalida Ethiopia oo magaceeda lagu sheegay Baliyo Xasan oo qiyaastii 75 km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Buuhoodle ee Somaliland.
Dugsiga-Boardingka-ah-ee-GaashaamolWarku waxa uu intaas ku daray in bilihii u dambeeyey ay taagnayd isku qabsi dhul degsiimo laga dhigayo degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Wararku waxay sheegayaan in dadka wax ku noqday dagaalka qaarkood la gaadhsiiyey Cusbitaalka magaalada Buuhoodle inkastoo aan la xaqiijin karin cadadka ay gaadhsiisan yihiin.
Dhinaca kale, Aqoonyahan iyo Waxgarad ka soo kala jeeda Labada dhinac ee shaqaaqadu dhexmartay ayaa ugu baaqay Labadan dhinac in ay colaadda joojiyaan, isla markaana xaq-dhawraan walaaltinimadda iyo wada noolaashaha.
Odayaashan iyo Aqoonyahankan oo bayaankooda ka soo saaray Magaalada Burco ayaa cambaareeyay shaqaaqadda deegaankaasi ka dhacday isla markaana waxay sheegeen in ay ka danbeeyaan dad ujeedooyin kala duwan lihi oo ka xun nabadda deegaanka ka jirta, maadaama dadka deegaankaasi ay walaalo yihiin, wax ka dhexeeyaana aanu jirin.
Odayaashan ayaa Tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dadkii shaqaaqadaasi ku nafwaayay, isla markaana waxay ugu baaqeen labada dhinac in ay bad-baadiyaan dadka inta hadhay, isla markaana illaahooda ka baqaan.
Sidoo kale Odayaashan iyo Aqoonyahankan ayaa ugu baaqay Salaadiinta, Culimadda iyo Waxgaradka deegaankaasi in ay xiisadaasi ka hortagaan isla markaana, deegaankaasi gurmad u diraan.
Liiska Magacyadda Bayaankan Soo saaray.
Cabdi Maxamed Ismaaciil (Waraaba-cade).
Prof. Cabdi Jaamac Bootaan.
Maxamed Muuse Qaasaal.
Aqoonyahan Cabdi-risaaq Xasan X. Diiriye.
Dr. Iid Maxamed Cali.
Cajab Maxamed Cajab.
Xasan Dhible Cali.
Khadar Cumar Muuse.
Caaqil: maxamuud Cabdilaahi Gaas.
Bashiir Sheikh Osman.
Aqoonyahan: Cabdale Faarax Aadan.
Mahad Faarax Cabdilaahi.
Ganacsade: Maxamed Axmed Yaasiin (gabayxadi)”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.