WorldRemitAds

Boosaaso, Somalia, November 25, 2018 (Saxafi) – Dagaal ay diyaarado dagaal ka qaybgaleen ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaano ka tirsan Buuraha Calmadow oo ka tirsan silsiladda buuraleyda Golis.

Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamo ka mushahar qaata Imaaraadka oo sarkaal Maraykan ahi maamullo (Saracen International)  ayaa ka dhacay deegaamada Diindigle iyo Madarshoon oo ka tirsan buuraha Calmadow ee silsiladda buuralayda Golis.

SomlegalAds

Ciidamada Saracen International oo ay weheliyaan kuwo lagu magacaabo PSF ayaa sheegtay inay ku dileen dagaalkan 13 ka mid ah Al-shabaab ayna kaga hortageen weeraro gaadhaya 67 oo la qorshanayay in farriisimahooda lagu qaado.

Wararka aanu xalay ka helay ayaa sheegaya in diyaarado kuwa dagaalka ahi ay duqaymo ka wadaan deegaanada Madarshoon iyo Diindigle, waxaana dhulka uu yahay mid kaymo iyo buuro isugu jira.

Saracen International ayaa waxaa maamula oo leh ninka aasaasay shirkadda Black Water, kaas oo si weyn isugu fidiyay dalka Soomaaliya. Iyaddoo ciidamadda dawladda Maraykanka ee dalkaas ku sugan balse xooggoodu degan yahay Balidoogle aanay dagaallada inta badan toos u qaadin. Balse ay u adeegsadaan shirkadan.

Ka sokow maamulka Puntland sidoo kale dhawaan ayay shirkaddani sanadkii hore hshiis la gashay Maamulka Koonfur Galbeed ee Fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Erik Prince, Aasaasihii  Blackwater oo maamulla shirkadahan waxaa gudaha Soomaalia u jooga 2000 oo Calooshood u shaqaystayaal ah. Si kasta ha ahaatee dagaallada uu ka gallo Somalia ayaa waxaa hadba sheegta maamull goboleedyadda uu aagoodda jooggo, iyaddoo dagaalka shalay ee diyaaradaha dagaalku ka qayb-qaateena haatan maamul goboleedka Puntland ku faanay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.