WorldRemitAds

 “Turkigu Ma aqoonsan baasaboorka Somaliland. Dadka ku nool Somaliland iyo Somalia waxay noo yihiin hal shacab” Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

-Jawaabta Dugsiga NILE Academy Ee Labada Dal Khilaafka Ka Dhex Abuuray

Muqdisho, Soomaaliya, July 31, 2016 (Saxafi) – Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Olgan Bekar, ayaa sheegay in aanay aqoonsanayn Passporka Somaliland, si dad bana u tilmaamay inay kaba soo horjeedaan Somaliland.

SomlegalAds

Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan midnimadda iyo sidii Soomaaliya dal qudha u ahaan lahayd, waxaanu Passapoorka Somaliland ku tilmaamay inay u aqoonsan yihiin sida kaadhka dhalashadda oo kale.

Sidaas waxa uu ka sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaaladda Muqdisho, waxaanu Soomaaliya uga mahad celiyey cambaareyntii ay u gaysteen isku daygii fashilmay ee lagu inqilaabayey madaxweynaha Turkiga iyo mudaharaadkii ay ku cambaaraynayeen. “Ma aqoonsan baasaboorka Somaliland. Sidaad la socotaan waxaan wadnaa heshiiskii Somalia iyo Somaliland ah, Annaga Somalia hal waji ayaan ku eegnaa, waxaanam ka shaqeyneynaa Somalia inay hagaagto oo ay mid ahaato. Dadka ku nool Somaliland iyo Somalia waxay noo yihiin shacab kali ah, waxaanan rabnaa in Somalia ay noqoto waddan qudha.”ayuu yidhi safiirka Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya.

Waxaanu intaas ku daray in baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin sida kaadhadhka aqoonsiga oo kale, waxaana uu intaas raaciyay in Qunsuliyaddooda Hargeysa ku taalaa ay ku bixiso dal-ku-galka warqad.

Dhinaca kale, Olgan Bekar ayaa sheegay in isku-daygii afgambi ee bishan ka dhacay Turkiga iyo qaababkii uu u abaabulnaa ay ka dambeeyeen koox uu ku sheegay FETO oo Argagaxiso ah, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Xukuumadda Somalia waxaan uga mahad-celinaynaa cambaareynteedii In-qilaabkii dhicisoobay ee ay maleegayeen koox argagixiso oo lagu magacaabo FETO, wuxuu u abaabulnaa qaabab dhawr ah,” ayuu yidhi danjire Olgan Bekar.

Hawlihii ay dalka ka haysay Hay’adda NILE ee Somalia laga eryay oo wax laga weydiiyay ayuu danjiruhu sheegay in Xukuumadaha Somalia iyo Turkiga sida ugu dhaqsi badan ay uga wada-shaqeyn doonaan sidii loo sii wadi lahaa hawlahaas.

Danjiraha ayaa sidoo kale, wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan xilliga dib loo furi doono dugsiyadii waxbarasho ee ay gacanta ku haysay NILE Academy, isagoo carrabka ku dhuftay in ardaydii iskuulladan wax ka baranayay ay sidii hore waxbarashadooda u wadan doonaan.

Wuxuu kale oo safiirku sheegay in Isbitaalka DEVA oo ay NILE maamuli jirtay dib loo furi doono bisha August ee soo socota, wuxuuna xusay in howlihii uu hayay Isbitaalka uu halkiisa kasii socon doonaan.

“Bukaannadii ku jiray Cisbitaalka DEVA waxaa loo wareejiyay Cusbitaalka Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfeer) ee Muqdisho,” ayuu Hadalkiisa ku daray Danjire Olgan Bekar.

Ugu dabmeyn, Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Ardayda Soomaaliyeed ku heysato Turkiga, markii uu af-gambiga dhacay, gaar ahaan Ardayda wax-ka-barta Jaamacadaha ay maamulaan hay’adaha taageera Fethullah Gulen ayuu kaga jawaabay. “Jaamacadaha Gullen waan xidhnay, Dowladda ayaa go’aan ka gaadhay, ardaydaas waxaa loo wareejinayaa Jaamacado kale, taasina wax dhib ah ma laha, waxaanan Arrintaan si dhow ugala shaqeyn doonnaa safaarada Somalia ee Magaalada Ankara.”

Si kastaba ha ahaatee, Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa ayaa isagu toddobaad ka hor sheegay in Somaliland ay si dhow ula xidhiidhi doonaan, isla markaana mashaariic horumarineed ka samayn doonaan, waxaanu ku dooday inay hadda si fiican u fahmeen qadiyadda Somaliland, taasina ay keentay in Passporka Somaliland lagu tago Turkiga.

Tan ka sokow, Maamulka NILE Academy ee magaaladda Hargeysa ayaa Xukuumadda Somaliland uga mahad-naqay go’aanka ay ka qaadatay inuu sidiisii hore u sii shaqeeyo, iyaddoo Dawladda Turkigu codstay in la xidho wax alle wixii ku shuqul leh waddaadka Maraykanka ku sugan ee loo haysto inuu abaabulay Af-ganbigii dhawaan ka dhacay Dalka Turkiga, kaasoo dugsigani qayb ka yahay hay’addo uu maamullo oo dalal badan iyo Turkigaba laga xayiray markii afganbiga iyo eeda ku lug lahaansho ee wadaadka lihi soo baxday. “Maamul ahaan, annagu siyaasad shuqul kumma lihin. Waxaanu nahay oo ka shaqeynaa wax barasho” Ayuu yidhi maamulka dugsigu.

Marka la eego, Fariinta magaalada Muqdisho uu ka soo diray Danjiraha Turkigu shalay iyo han-jabaad ka horeysay oo Qunsulkoodda Hargeysa kaga dalbaday dawladda Somaliland inay kala doortaan Turkiga iyo NILE Academy, sidoo kallena loo geeyo mahad-naqa shalay uu soo saaray maamulka dugsigan madmadowga ka dhex abuuray xidhiidhka labada dawladdood ayaa dad badani waxaa ay u arkeen inuu bilow u yahay dagaal cusub oo bilaabmay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.