WorldRemitAds
Laascaanood, Somaliland, February 29, 2016 (Saxafi) – Dagaal culus ayaa shalay hiirtii waaberi ka dhacay duleedka deegaanka Dixin ee gobolka Sool, ka dib markii sida la sheegay ay weerar soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa isaga hor yimi ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyada Puntland, waxaana sida wararku tilmaamayaan halkaas laysku waydaarsadey hubka calculus, laakiin, warku ma cadayn khasaaraha kala gaadhay labada dhinac.
Goob jooge kusugan deegaanka Dixin ee gobolka Sool oo aanu la xidhiidhey ayaa sheegaya in ciidamada qaranka Somaliland ay weerarkaas iska caabiyeen isla markaana ay halkaas kaga gubeen laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah.
Shacabka degaanka Dixin ayaa ciidamada qaranka Somaliland ku taageeray iska caabinta ay kala hortageen Puntland oo halkaas weerar ku soo qaadey.
Xogaha qaar ayaa sheegaya in Xiisaddi ka taagan tahay aagaasi, Islamarkaana, ay labada dhinacba heegan ku jiraan. Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaan ka hadal dhacdadan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.