WorldRemitAds

Tababaraha Kooxda Boqortooyada Spain ee Real Madrid Zinedine Zidane, ayaa fariintisi siyaasadeed ee ugu cuslayd u diray, shacabka dalkiisa Faransiiska, waxaanu baaq uu jimcihii soo saaray, shacabka waddankiisa Faransiiska ugu baaqay inaanay codkooda siin, mushaxada xag jirka ah ee Marine Le Pen.

Zinedine Zidane xidig reer Faransiis oo aad isaga fogayn jiray siyaasada, inta la ogyahayna aan dhex gelin, ayaa baaq aan hore looga baran, u diray shacabka Faransiiska, kaas oo uu kaga codsaday inay ka dheeraadaan taageerada musharaxa midigta fog ee Marine Le Pen, waxaanu si badheedh ah shacabka uga codsaday inaanay codkooda siin haweenaydan siyaasadeed xag jirka tahay.

Markii fariintaas baaqa ahi ka soo yeedhay Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayay jawaab aad u kulul iyo digniin wada jir ah ay musharaxa siyaasadeedu xag jirka tahay ee xisbiga National Front Mrine Le Pen, u dirtay Zidane waxaanay hadalkaas oo aad u dheera ku sheegtay in Zidane aanu faraha la gelin waxaan khusayn oo aan isaga u oolin.

SomlegalAds

Hadalkan ayaa u muqday mid muujinaya inaan siyaasada gabadhaas waxba iska bedelin, oo debacsanaantii ay muujisay maalintii ay wareega labaad u soo gudubtay aanay waxba ka jirin, waxaanay mar labaad ku celisay in dadka aan asalkoodu Faransiiska ahayn aanay u oolin inay arrimaha doorashada dalka faraha la galaan, kana hadlaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.