WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 17, 2015 (Saxafi) — Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia isugu jiray ayaa ku dhintay iska-horimaad ciidamo kawada tirsan kuwa dawladda Somaliya ku dhexmaray goob kaadhadh loogu qaybinayay dad shacab ah oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Iska-horimaadkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 19-qof oo dad rayid ah u badnaa, iyadoo dadka dhintayna uu ku jiray wiil yar oo sagaal bilood jir ahi, waxaana dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Madiina.
Muqdisho-cityGoob-joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku uu dhexmaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood soo gaadheen goobta kaadhadhka loogu qaybinayay barakacayaasha, kuwaasoo ciidamadoo hore goobta ugu sugnaa iyo iyagu ay ku murmeen barakacayaal ay doonayeen inay gudaha u geliyaan goobta qaxootiga lagu qorayay, iyadoo ciidamadii kalena ay diideen, taasoo sababtay inay xabbadi billaabato. “Rasaas badan ayaa goobta ka dhacday, waxaan arkay dad badan oo dhulka ku daadsanaa, kuwaasoo isugu jiray dhaawacyo iyo dhimasho, waxaanan arkayay wiil sagaal bilood jiray oo ka mid ah dadkii dhintay, ” ayuu yidhi goobjooge ka mid ahaa dadkii barakacayaasha ahaa ee goobta joogay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo arrintan ka hadlay ayaa ciidammadii dagaallamay ku tilmaamay mooryaan, isagoo xusay in qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo qaba, kuwii kalena baadi-goob lagu hayo. “Kooxo mooryaan ah ayaa laayay dad shacab ah oo ku sugnaa Haanta-dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, qaarkood iyagoo dhaawacyo qaba ayaan gacanta ku dhignay, kuwii kalena ciidamada nabad-sugidda ayaa raadinaya, ” ayuu Yuusuf Xuseen Jimcaale u sheegay warbaahinta.

SomlegalAds

Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Duniyo Maxamed Cali oo iyana la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in lasoo gaadhsiiyay 19 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, qaarkoodna ay isbitaalka ku dhinteen, kuwii kalena qalliinno iyo daweyn ay u sameeyeen.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa diiday in lagu tilmaami karo ciidamadii uu dagaalku dhexmaray ciidammo dowladeed, isagoo ku sheeegay hadalkiisa inay ahaayeen mooryaan hubeysan oo dilaayaal ahaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.