WorldRemitAds
Washington, USA, December 08, 2015 (Saxafi) –  Khudbad uu Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama u jeediyay shacabka Maraykanka ayuu ku soo bandhigay hannnaanka maamulkiisa ee ku aaddan halista iyo dagaalka uu lagula jiro kooxda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish.

Barack Obama ayaa dadka dalka Maraykanka ku boorriyay inaanay baqdin-galin wax uu ugu yeedhay kooxaha argagixisada ah, kaddib weeraradii ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska iyo gobolka California ee dalka Mareykanka.
Barack ObamaSidoo kale, Barack Obama ayaa weerarkii gobolka California ee ay ku dhinteen 14-ka qof ku tilmaamay fal-argagixiso oo loogu talo-galay in shacab badan lagu laayo. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Maraykanku uu muddo badan kula jiray dagaal kooxaha argagixisada. “Tan iyo markii Al-Qaacida ay dishay in ku dhawaad 3,000 oo ruux weerarradii ay Maraykanka kusoo qaaday 11-kii, September sannadkii 2001-dii.”
Barack Obama wuxuu sheegay in halista ka imanaysa argagixisadu ay dhab tahay, Laakiin laga guuleysan doono oo la burburin doono Daacish iyo weliba kooxaha kale ee isku-daya inay dhibaato gaadhsiiso Maraykanka.
Obama wuxuu sheegay inay jiraan tallaabooyin maamulkiisa iyo Congress-ka Maraykanka ay si wadjir ah u qaadi karaan si looga guuleysto argagixisada, isagoo ugu baaqay inay cod u qaadaan si loo ansixiyo sidii awoodda military loo isticmaali lahaa.
Laakiin, madaxweyne Obama wuxuu kasoo hor-jeestay in ciidammo badan oo dhulka ah la geeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Wuxuu yidhi. “Mar kale nalaguma riixi karo dagaal ama duulaan dhulka ah oo daba-dheeraada, lacag bandanna ay ku baxdo oo aan ka fulinno waddamada Ciraaq iyo Suuriya.”
Wuxu kaloo Obama ballan-qaaday in Maraykanku uu baacsan doono madaxda kooxaha ar-gagxisada ah meel kastoo ay ku dhuumanayaan. Isagoo hadalkiisa raaciyay inay sii wadayaan tababarrada iyo qalabka la siinayo ciidammada dallaka Suuriya iyo Ciraaq ee dagaalka kula jira Daacish, Maraykankuna uu saaxiibaddii arrintan kala shaqeyn doono.
Madaxweyne Obama wuxuu soo hadal qaaday xakameynta iibsiga hubka ama Qoryahaha ee gudaha dalka Maraykanka oo uu sheegay inay dhici karto in qof argagixiso ahi uu hub iibsan karo, wuxuuna ugu baaqay xubnaha Congress-ka Maraykanka inay hubiyaan in qof ku jira liiska dadka aan duulimaad raaci karin uu hub iibsan karro.
Dhanka kale, Obama wuxuu sidoo kale Congress-ka ugu baaqay in sidoo kale la adkeeyo baadhista kuwa fiiso la’aanta Maraykanka kusoo gala ee sita Baasaboorrada dalalka reer Galbeedka, isagoo sheegay in si dhab ah loo eego dadkaasi inay u safreen dalalka ay ka socdaan dagaalladu iyo in kale.
Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa khubaddiisa kaga hadlay cabsidda ka jirta Dalka Maraykanka ee ka dhalatay weerarradii gobolka California, taasoo shaki ka dhex-abuurtay Muslimiinta iyo dadka Maraykanka ah. isagoo xusay inaan Maraykanka la iska hor-keeni karin.
“Waxaa naga saaran mas’uuliyad ayaa naga saaran inaan diidno soo jeedimaha odhanaya in muslimiinta Maraykanka loola dhaqamo si ka duwan sida dadweynaha kale ee Mareykanka loola dhaqmo,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Barack Obama.
Isagoo intaas ku daray. “Muslimiinta Maraykanku waa saaxiibadeen, waa Jaarkeena, waa kuwo aan wada shaqeynno, waa geesiyadeena dhinaca ciyaaraha, waana kuwo ciidamadeena diyaarka u ah inay u dhintaan difaaca dalkanna ka tirsan, waana inaan taas xasuusnaannaa mar walba.” “Dagaalna kama dhexeeyo Muslimka Iyo Maraykanka”
Ugu dambeyn, Barack Obama wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dagaalka ay kula jiraan argagixisadu uu guul ku dhammaan doono. iyadoo madaxweyne Obama uu khudbaddan u jeediyay shacabka Mareykanka, tasoo noqonaysa middii saddexaad ee uu xafiiskiisa ku dhex-yaalla Aqalka Cad ee Mareykanka ka jeediyay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.