WorldRemitAds

Baratanka ugu xanafta badan ee xilligan ka dhex socda aduunka gaar ahaan dowladaha soo koroya, kuwa dhaqaalahoodu xowliga ku socda iyo kuwa ku yaalla goobaha istaraatiijiga ah ama marinnada caalamiga ah ee baahida weyn loo qabo, wuxuu ku saleysan yahay dekeddaha oo iyagu ah meelo laga maamuli karo ganacsiga caalamka, lagana ilaashan karo danaha qaran ee dowladaha xifaaltamaya, nabadgelyada badaha, ladagaallanka waxa loo bixiyey argagixisada iyo budhcad badeeda. Dekedduhu waxay saldhig u yihiin isu socodka aduunyada kala fog iyo fududeynta isu gudbinta ganacsiga caalamka. Waxaa kaloo badanaa arrimaha dekeddaha ku lifaaqan saldhigyo ciidan oo la dabo wado hindisayaasha ganacsi ee dusha sare ka muuqda!

SHIINAHA:

SomlegalAds

Shiinaha oo ah dalka dunida ugu dadka badan iyo kan labaad ee ugu dhaqaalaha weyn, ayaa halgan weyn ugu jira ballaadhinta marinnadii uu marin lahaa dhoofinta wax soo saarkiisa xawaaraha ku socda, sidaas daraadeed ayuu jeexay mashruuca weyn ee la magac baxay hal suun iyo hal jid (one belt one road), kaas oo ah shabakado iskuwada xidhan oo ka kooban dariiqyo dhaadheer oo badda iyo berrigaba maraya, jidad tareen, buundooyin, dhuumaha shidaalka qaada, xadhkaha korontada iyo internetka iwm. Kuwaasi oo dhammaantood loogu talo galay iney Shiinaha ku xidhaan dunida inteeda kale gaar ahaan Aasiya, Yurub iyo Afrika.

Mashruucaan –oo ah dib usoo cusbooneysiin taariikh duugoowdey taas oo ah dariiqii caanka ahaa ee la odhan jirey jidkii xariirta ee Shiinihii hore gaadhsiin jirey isla dhulalka uu iminka doonayo inuu gaadho– ayaa loo qorsheeyey inuu xidhiidhiiyo in ka badan 65 dal oo u dhigma 60% (Boqolkiiba lixdan) dadweynaha dunida ku nool, sidoo kalena noqon doona sadex meelood meel ahaan dhaqaalaha caalamka oo idil, iyadoo dowladda Beijing ay ku bixineyso aduun gaadhaya  $1000,000,000, (Hal tirrilyan oo dollar).

Sida la shaaciyey hindisahaan wuxuu xoogga saari doonaa dhowr arrimood oo lafdhabar u noqon kara kala faa’iideysiga bulshaweynta caalamka, waxaana ka mid ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, dekaddaha, buundooyinka iyo warshadaha, fududeynta ganacsiga iyo isu gudubka aduunka, isu furka dhaqaalaha dowladaha iyo qaaradaha kala fog, isku xidhidda maalgashiga dowladaha iyo shirkadaha ganacsiga, isdhaafsiga dhaqamada dadyowga kala duwan, isdhexgalka bulshooyinka iwm.

Hindisahaan Shiinuhu hormuudka ka yahay uuna maalgelinayo waxaa ogolaaday iney qeyb ka noqdaan dalal badan oo uu mari doono ama si uun uga faa’iidi doona dhaqaale ahaan ama adeeg ahaan, kuwaas oo badankoodu Shiinaha ka heley ballanqaadyo ah inuu ka taageeri doono kobcinta dhaqaalahooda, halka dalalka qaarna gaar ahaan kuwa reer galbeedku ay shaki ka muujiyeen isballaadhinta Shiinaha ee dheereyneysa.

Dariiqyadaan waxay u kala bixi doonaan jihooyin kala duwan sida,

Shiinaha–Ruushka,

Shiinaha–Turkiga,

Shiinaha–Bartamaha Aasiya,

Shiinaha– Mangolia,

Shiinaha–Pakistan,

Shiinaha–Bariga Dhexe,

Shiinaha–Afrika, iyo

Shiinaha–Yurub,

Iyadoo mid ka mid ah tareennadii tijaabada ahaa uu Shanghai iyo London u kala socday 14 cisho oo keliya!

Maadaama danta ugu weyni ay tahay inuu Shiinuhu aduunyada u iib geeyo alaabtiisa, isaguna wixii uu u baahan yahay si sahlan uga keensado dalalka kale, waa inuu helaa dekeddo caalami ah oo u fududeyn kara dhoofinta iyo soo-dejinta badeecadihiisa faraha badan. Waxaa kaloo aalaaba arrimahan ku lammaansan danaha siyaasadeed iyo kuwa istaraatiijiyadeed ee dhex yaalla dowladaha ku loolamaya dhul ka baxsan xuduudda dalalkooda, gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo uu ka dhexeeyo xiniftan xasaasiyad badan oo xilligan aad sii xoogeysanaya, kadib markii Mareykanku dareemey inuu Shiinuhu sidii daadkii dunida ugu fidayo ayna tahay arrin aan indhaha laga qarsan karin!

BAAKISTAN, HINDIYA IYO IRAN:  Dekedda Gwada

Baakistaan oo ka mid ah wadamada jidkani marayo ayaa Shiinaha kaga kireysey dekedda Gwadar lacag dhan $46 bilyan oo dollar muddo 40 sano ah inuu horumariyo uuna adeegsado. Hindiya oo ah dal ay Baakistan iyo Shiinahaba deris la ah, labadabana aanay isku wanaagsaneyn, ayaa dareentey in fursadan iyada la dhaafiyey oo Baakistan loogu roonaaday. Sidaa daraadeed ayey tillaabadani ka xanaajisey dowladda Hindiya oo u aragtey iney Baakistan heli doonto deked caalami ah oo dhextaal u noqon karta ganacsiga aduunka, iyadoo arrintaas ka falcelineysa ayey Hindiyana dhankeeda Iran ka kireysatey dekedda Chabahar  ee dalka Iran oo 72 KM keliya uun u jirta dekedda Gwadar ee dalka Baakistan!

Marka la eego dhanka baaxadda iyo istaraatiijiyadda Gwadar oo kulaaleysa marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz iyo dhiirranaanta Shiinaha oo doonaya inuu gaadho badweynta Hindiya, waxay u muuqataa in Chabahar oo ay Hindiya dooneyso iney ka dhigato –iyadoo dhinac mareysa Baakistan– albaab ay ka gasho dalka aan badda lahayn ee Afghanistan, wadamada badhtamaha Aasiya iyo weliba dalka Ruushka, aanay la tartami karin Gwadar. Dekedda Gwadar ayaa la sheegaa iney awood u leedahay iney xawisho 400 (afar boqol) oo malyan oo tan oo xamuul ah (Cargo) ah sanadkii, waxaana lala mataaneyn doonaa sida qorshuhu yahay dekedda Hong Kong ee dhulweynaha Shiinaha, halka dekadda dhinac taalla ee Chabahar ay xamili karto oo keliya 10 (toban) malyan oo tan sanadkii.

Hirgelinta dekeddan ayaa soo gaabin doonta masaafadii aadka u dheereyd ee uu qaadan jirey shidaalka iyo Gaas ka yimaada Afrika iyo Bariga Dhexe si uu u gaadho Shiinaha, taas oo ka mid ah ujeedooyinka waaweyn ee Shiinuhu u dhisayo Gwadar maadaama uu yahay wadan warshadaha ku horumaray oo baahi weyn u qaba inuu si fudud ku helo tamarta uu u baahanyahay maalinwalba.

Waxay sidoo kale Hindiya ku hawllantahay hindise ah iney horumariso dekedda Duqm ee dalka Cummaan ee gacanka carabta si ay isugu fidiso marinkaas muhiimka u ah isu socodka caalamka inta aanu Shiinuhu uga hormarin!

Dekedda Chabahar

Shiinaha ayaa sidoo kale maalgelinaya dekedo dhowr ah oo isla gobolkaas ku yaallo sida Sri lanka, Nepal, Myanmar, Bangledesh. Wuxuu kaloo wadahadal kula jiraa Jibouti oo ah dalka keliya ee uu Shiinuhu ku leeyahay saldhig millateri oo dalkiisa ka baxsan, waana buqcadda uu doonayo inuu ka dhigto albaabkii uu Afrika kasoo geli lahaa. Arrintan ayaa is tustay afargeeskan ficiltamaya (Chinaha, Pakistan vs Hindiya, Iran) ee labo labada isu raacsan. Waxaa kale oo la filayaa in Geeska Afrika uu noqon doono halka ay isku hardin doonaan Shiinaha iyo Mareykanku oo labadaba ay ka go’antahay inaan laga riixin mandiqadan aadka istaraatiijiga u ah, iyadoo labadooda saldhig ciidan ee Jibouti ku yaalla ay isu muuqdaan, taas oo ah goobta keliya ee millateriga labada dal iyagoo isdiidan isdul keentay!

IMAARAATKA CARABTA IYO GEESKA AFRIKA:

Arrinta dekeddahan dhismaya ayaa walwal weyn ku abuurtay dalka Imaaraatka Carabta oo dhankooda ciddiyo ku dagaalan ku ah si aan gobolka looga helin deked la tartami karta dekedda Jebel Cali ee Dubay. Dowladda Imaaraaatka –oo leh mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dhisa, maalgeliya ama maamula dekeddaha caalamka Dubai Port World (DP World)– ayaa ka walaacsan inuu wiiqmo suuqa ay haysato dekeddiisu, haddii ay dekaddo casri ah ka dhismaan dalalka dhaca labada daan ee badda cas sida (Soomaaliya, Somaliland, Jibouti, Eriteria, Sudan, Masar, Yemen, Sucuudiga iwm).

DP World ayaa hadda maamusha in ka badan 70 dekeddood oo dunida daafeeheeda ku kala yaalla, hase yeeshee badankooda uu ka abuurmay buuq maamul ama tuhun la xiriira inuu jiro damac qarsoon oo ku daaban galka sare ee ganacsi ee ay wadato dowladda Imaaraatka iyo shirkadeeda DP World.

Wadamada Yemen, Senegal, Indonesia,  Algeria, Jibouti, Sudan, Masar ikk, ayaa xilliyo kala duwan ka dacwoodey ama eryay ama si uun ay isu qabteen shirkadda DPWorld , iyagoo dowladahaasi u cuskaday inaanay shirkaddani daacad ka ahayn shaqada lugula heshiiyey aannayna kuba ekeyn amuuraha ganacsi ee ay u timid balse ay ku mashquulsan tahay dibindaabyooyin siyaasadeed oo dalalkaasi ka dhan ah.

Imaaraatka oo si xoog leh faraha ulasoo galay Geeska Afrika intii ka dambeysey sanadii 2010 iyo xilliyadii uu curtay wixii loo bixiyey gu’gii carabta ee dhicisoobey,  ayaa calaamadsaday dhowr dekeddood oo uu u arkayey iney istaraatiiji u yihiin ilaalinta danihiisa ganacsi iyo kuwiisa siyaasadeed.

Wadanka Jibuuti oo ku yaal bartilmaameed haboon ayey shirkadda DP World sanado kahor la gashay heshiis maalgelin iyo maamulid dekedda konteennarrada ee Doraleh, bishii la soo dhaafay ayey Jibuuti laashey heshiiskaas iyadoo ku andacootey inuu yahay mid dhaawacaya qarannimada dalkeeda iyo madaxbannaanidiisa siyaasadeed iyo tiisa dhaqaaleba. DP World oo hore Jibuuti uga guuleystey dacwad ay qaadday maxkamad London ku taalla ayaa hadana isla maxkamaddii ka furatay dacwad ka dhan ah xukuumadda Jibouti.

Waxay sidoo kale shirkaddan Imaaraatiga ahi heshiis ku qaadatay dekedda Casab ee dalka Eriteria oo Jibuuti ay deris yihiin xurguf horena ka dhexeysey. Waxay kaloo  Eriteria ka sameysatey saldhig millateri oo dalalka qaarkood dareen geliyey sida Jibuuti iyo Sudan, tan dambe –Waa Sudane – oo ay DP World hore u hollisey iney ka kireysato dekedda Port Sudan balse ay heshiin waayeen!

Waxaa taas kasii horreeyey eedeymo xoog leh oo imaaraatka loo jeedinayey inuu curyaamiyey dekedda Cadan ee dalka Yemen oo uu muddo hore kula wareegey heshiis waqtigiisu dheeraa, hase yeeshee dib u dhac weyn u geystey dekeddaas istaraatiijiga ah ee magaalada Cadan oo ahayd meel ay shidaalka ka qaataan maraakiibta ka gudbeysa marinka Baabul Mandam, maaddaama Imaaraatku xubin ka yahay xulufada Sucuudigu hogaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen, wey u sahlan tahay inuu siduu rabo ka yeelo dadka dhibaateysan ee rer Yemen!

Lasoco qeybta 2aad

Cabdixakiim Diriye

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.