WorldRemitAds

Dagaalka Ganacsiga ee u dhexeeya Maraykanka Iyo Canada Oo Cirka Isku Sii Shareeray

Washington, USA, June 11, 2018, (Saxafi) –  Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si adag u canbaareeyay Raysalwasaaraha dalka Canada, waxyar ka dib markii uu ka baxay shir ay yeesheen waddamada magacooda loo soo gaabiyo G7.

SomlegalAds

Waa isbedel la yaab leh oo uu sameeyay Madaxweyne Trump. Markii hore waxa uu isagoo caga jiidaya ogolaaday heshiiska ku saabsan ganacsiga oo ay eray eray loo kala dhig dhigay.

Heshiiskan ayaa waxa ku dhawaaqay Raysal wasaaraha waddanka marti galinaya shirka Justin Trudeau. Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in dalalkan ay gaadheen heshiis, islamarkana ay soo saareen war murtiyeed dhamaystiran waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay natiijada shirka.

Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump

Balse Mr. Trudeau ayaa sidoo kale sheegay in Canada ay bisha dambe qaadi doonto tallabooyin aarsi ah oo lagaga jawaabayo canshuuraha Maraykanku uu si cadaalad darro ah u soo rogay. “Waanu nahay mas’uliyiin balse ma ogolaneyno in nala warwareejiyo.” Ayuu yidhi, waxaa uuna canshuurahasi ku tilmaamay in ay yihiin aflagaaddo.

Donald Trump ayaa isagoo diyaarad saaran warbixin uu bartiisa twitter-ka ku qoray waxa uu Mr Trudeau ku eedeeyay in uu sheegay warbixn been abuur ah oo daciif ah.

Waxa uuna saraakiisha Maraykanka u sheegay in aanay warbixinta la wadaagin warbaahinta.

Trump ayaa inta aanu war murtiyeedkani soo bixin eedeyn dusha ka saaray  madaxdii isaga ka horeysay ee Maraykanka soo martay.

Waxa uu Trump ku eedeeyay madaxdii hore ee Maraykanka in aanay shaqa wanaagsan ka qaban ganacsiga.

Dhanka kale, Madaxwaynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay tahay tallaabadii koowaad ee xalka dagaalka ganacsiga, balse aan la wada xalin dhamaan farqigii u dhaxeeyay dalalkan gaar ahaan canshuurta ay Maraykanku soo rogeen.

Shirkan ayaa u muuqday mid lagu dhameeynayo dagaalka ganacsiga laakiin, taasi ma aanay dhicin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.