WorldRemitAds

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh

Tan iyo markii uu xukunka dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi 13-kii bishii December ee sannadkii hore, waxay dawladda taagta daran ee Muqdisho iyo maamul goboleedka Puntaland ba bilaabeen dagaal badheedh ah iyo shirqoollo lagu mijaxaabinayo qarannimada dalka iyo dawladda cusub. Sidoo kalena, waxa weli socda dagaalkii siyaasadda ee lagu kala baxay sannadkii hore iyadoo weliba Xisbiyada siyaasadda qaarkood aanay kala joojin cambaareyntii iyo eedeymihii Xisbul xaakimka Kulmiye, halka dhinaca kalena hogaamiye dhaqameedyaddii nabadda iyo xasiloonida dalka ka shaqayn jiray ay haatan isu beddeleen kuwa doonaya inay dalkan jilbaha u dhigaan, qaarkoodna ku baaqayaan dagaal beeleedyo durba ka bilowday degaanno ka tirsan Bariga dalka oo dad badani ku dhinteen.

Intaas oo dhirbaaxooyin ah oo dawladda cusub durba kaga dhacday qaybo ka mid ah shacbigii soo doortay iyo kuwii aan dooran balaguna daro dhibaatootinkii xukuumaddan cusubi ka dhaxashay dawladdii ka horreysay ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay ugu horreeyeen sicir babarka iyo shaqo la’aanta, ayaa dhammaantood arrimahaasi waxay carqalad ku noqdeen himilooyinkii laga filayey xukuumadda Muuse Biixi inay dalkan hore ugu sii dhaqaajiso.

SomlegalAds

Arrimaha la yaabka leh ee ku saabsan cadaawadda qaybo ka mid ah dadweynaha Soomaaliland ku u hayaan qarannimada dalka oo soo shaac baxday bishii u dambaysay iyo hadalada ka soo yeedhaya salaadiinta iyo odayaasha Soomaaliland qaarkood, iyo xiisaddii siyaasadeed ee doorashadii dalka ka dhacday xisbiyadii lagaga guuleystay weli qiri la yihiin, ayaa waxa ka darran duulaanka Soomaaliya iyo Puntland ka wadaan Bariga dalka welina ku dafirsanyihiin soohdimaha Soomaaliland iyo Soomaaliya, taasna waxa daran colaadda iyo dagaalada reer Soomaaliland dhexdooda ka dhex dhacaya ee Gobolka Sanaag. Dadkan hadda is dilaya horena isku dilayay oo ka mid ahaa shacbiga dalka ee weligiiba ka mideysnaa difaaca qarannimada dalka iyadoo haatan qaar ka mid ah dadweynaha dalka ee gudaha iyo debeddaba ku sugani ku baaqayaan inaanay ka qayb qaadanayn dagaalka la iskaga difafacayo Puntland ee aagga Tukaraq, waxana nasiib darro ah in siyaasiyiinta dalka qaarkood una badan mucaaradku sii dhaafayaan ama ka sii gudbayaan xuduudkii midnimada shacbigu ku difaacayeen qaranka niyad jabna ku ah cid kastoo Soomaaliland xornimadeedii qaybta ka qaadatay, siiba ciiddanka siina kala qaybin kara kuwa jiidda hore ee dagaalka ku sugan. Su’aasha meesha taal ayaa noqon karta maxaa dan ugu jirta kuwa diiddan difaaca qaranka una hanqal taagaya Soomaaliya iyo Puntland inay qabsadaan Soomaaliland ama jebiyaan ciidamada qaranka.

In kastoo xukuumadda maanta looga fadhiyey inay degdeg ula fadhiisato mucaaradka balse waxaad mooddaa inay kaga mashquushay ama ay dabreen arrimo la xidhiidha dhinaca dibu habaynta nidaamka dawladda, sicir babarka iyo dagaalka kaga furmay dhinaca Bariga dalka iyo Sool, waxanad moodaa inay haleeli ladahay shirar iyo fadhiyo dhex mara iyaga iyo cid kastoo weli ay kusii jirto cadhadii siyaasadda ee doorashooyinkii la soo dhaafay, sidaa darteedna hadii degdeg dawladda shacbiga cadhaysani isku arki waayaan arrintu waxaa ay u muuqataa inay faraha kasii bixi doonto, Somaliland amnigeedii, qarannimadeedii, horumarkeedii, iyo midnimadeediina meel xun gaadhi doonto, waxana mucaaradka diiddan xukuumadda ama Muuse Biixi looga fadhiyaa inay kala saaraan waddaninimada, qabyaaladda iyo qarannimada, haddii ay arrimaha maanta ay ka hadlayaan ka tanaasuli waayaan iyaguna waayi doonaan dal iyo dad ay xukumaan doorashooyin kastoo dhacda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.