WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, June 5, 2018, (Saxafi) – Dagaalka tuullada Tukaraq ee gobolka Sool ee Somaliland ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ayaa saameeyay golayaasha dawladda Itaalka daran ee Somalia.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Qaar ka mid ah xildhibaanadda golayaasha baarlamaanka Somalia ee maamul goboleedka Puntland ayaa mooshin ay waddaan war laga soo saaray ku weeraray Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyaggoo ku eedeeyay dagaalka ka socda tuuladda Tukaraq masuuliyadeedda. Tan badalkeedda, dhowr iyo afartan Xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Jamhuuriyadda Somaliland balse u shaqo tagay Somalia ayaa iyagguna dhinaca kale abaabulay mooshin ka dhan ah dooda Xildhibaanada Puntland. “28 xildhibaan ee Isaaqa aqalka hoose iyo 9 Samaroon ah iyo 6 Senator oo Aqalka sare ah ayaa waxay diyaariyeen Mooshin ay la kaashanayaan Xildhibaanada Dir ee Halkan iyo Xildhibaanada Habar Gidir. Mooshinkaas oo ah In Deegaanka Sool & Sanaag ka mid yihiin Somaliland.. Isla markaana aan loo aqoonsan karrin mid ka tirsan Puntland. Loona samayn Karin Maamul kale. Qodobkaasi waxaa uu yahay ka kaliya ee Somaliland wada hadaladii labada dhinac u sii wadi karto.” Sidaas waxaa Wargeyska Saxafi u sheegay mid ka mid ah mudanayaashan shaqo tagay, waxaana uu intaas raaciyay in mooshinkan ay doonayaan in golayaasha la hor keenno bacda Ramadaan.

Xubnahan Somaliland ka ah danbiilayaasha ee la safan Xukuumadda Somalia ee dagaalka ka wadda gobolka Sool ee Somaliland ayaa la ogayn ujeedada ay ka leeyihiin, maadaama ay Somaliland u arkaan maamul goboleed la siman kooxaha ku hirdamaya Dalka Somalia.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.