WorldRemitAds

Muqdisho/Gaalkacyo, Soomaaliya, March 26, 2012 (Saxafi) – Madaxweynehii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Gaalkacyo oo ah deegaanka uu ka soo jeeday.

Ka hor inta aan la aasin marxuumka ayaa waxa la geeyey magaaladda Muqdisho oo loogu sameeyey Baroor diiq ay ka qaybgaleen madaxda ugu saraysa ee dawladda ku meelgaadhka ee Soomaaliya oo uu horkacayo madaxweynaha dalkaasi Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Markii diyaaradii siday laga dajiyey ayaa waxaa Meydka Marxuumkan lagu tukadday Salaadii Jinaasadda, hase ahaatee waxaa muran ka abuurmay sawir laga qaaday dadka taagnaa Safkii diyaargarowga Salaadan oo uu ka dhexmuuqday Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliya Mahiga, kaas oo markii la arkay muran dhaliyay. Iyaddoo dadka qaarkood si addag u dureen Agostine Mahiga oo ay ku doodeen inuu Haysto diinta Kiristanka oo safkan uga muuqday iska yeel-yeel. Hase ahaatee, dawladda Somaliya iyo Qamaradda midoobay midkoodna ka haddal dhacdadan.

SomlegalAds

Dhinaca kale, Dagaallo culus ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada isbahaysiga ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalada ugu culus waxay xalay ka dhaceen wadada General Daa’uud ee degmada Yaaqshiid ilaaa iyo jaamacadaha magaaladda Muqdisho. Sidoo kale dagaal ayaa ka dhacay sidda la sheegay agagaarka xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan. Hase ahaatee. Lama oga khasaaraha dagaaladdani ay geysteen. Waxaa dagaaladan barbar socday qaraxyo ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Boondheere. Wararku waxay sheegayaan in Gaadhi ay wateen ciidamadda Dawladda Somaliya lagu qarxiyay agagaarka Hotelka Waaxweyn ee Isgoyska Siinaay. Sidaas oo ay tahay ma jirto cid khasaaraha qaraxyadan iyo dagaaladdan ka hadashay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.