WorldRemitAds

Dalka Pakistan oo xiisado siyaasadeed iyo khilaafyo diimeed is bariisadeen, ayaa barlamaanka gobolka Sindi oo ka mid ah Maamul goboleedyada federaalka ah ee dalkaasi ka kooban yahay, uu sharci adag ka soo saaray dadka Kiristaanka ah ee doonaya inay diinta Islaamka Qaataan, oo ay muslimaan.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, barlamaanka Gobolka Sindi ayaa khamiistii soo saaray, sharci cusub oo mamnuucaya dadka diintooda badalaya ee raba inay muslimaan, waxaanu barlamaanku ku tilmaamay dadka diintooda badalaya kuwa aan laga ogolaan doonin.

Sida sharcigaasi dhigayo waxa si gaar ah loo mamnuucayaa in gabdhaha da’doodu yar tahay ee gashaantimaha ahi diinta Islaamka qaadan karaan, barlamaanka ayaa mooshinkan ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo dadka laga tiradda badan yahay ee diinta Masiixiga aaminsan ee dalkaas ku dhaqan gaar ahaan gobolka Sindi.

SomlegalAds

Sida barlamaanka gobolkaasi ku doodayaan, dadka tiradda yar ee kiristaanka ah ayaa ka sii dabar go’aya dalka Bakaistan, waxaanay barlamaanka Sindi si loo ilaaliyo inanaay dadkaasi dabar gu’in ay qaateen sharacigan cusub ee denbiga ka dhigaya in dadka Masiixiyiinta tiradda yar ee gobolka Sindi Muslimi karaan ama ay diinta Islaamka Qaadan Karaan.

Sida wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP) ku warantay, sharcigan cusub ee barlamaanka gobolka Sindi soo saaray, ayaa danbiile ka dhigaya qofka doonaya inuu diinta Islaamka galo, haddii qofku ku adkaystana waxa loogu badalaya sharci karaahiyo ka dhigaya, kaas oo sida uu dhigayo qofka waajib kaga dhigaya inuu muddo sadex todobaad ah sugo jawaabta laga siinayo oo ah in laga ogolaaday iyo in laga diiday.

Sharcigan ayaa qof kasta oo sideed iyo toban jir ah, ka mamnuucaya inuu diinta Islaamka qaadan karo, waxaana shardi u noqonaya inuu fasax ka haysto qoyskooda, ka dibna muddo 21-cisho ah la gorfeeyo in la ogolaado iyo in laga diido.

Sharcigan ayay si wayn u canbaaraysay culimada iyo rayul caamka guud ee dalka ku dhaqan gobolkaas, kuwas oo ku tilmaamay mid ka soo hor jeeda shareecada diinta Islaamka iyo dacwada lagu faafinayo diinta Islaamka oo sharci ka ah dalka Pakistan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.