WorldRemitAds

Garsooraha guud ee Maamul Hoosaadka reer Falastiin ayaa ku amray dhamaan maxkamadaha kala duwan ee dalka Falastiin, in ay joojiyaan dacwadaha muranka qoyska ee ilaa furiinka gaadhsiisan ama sababi kara in qoysku ku burburo.

Garsooraha ugu sareeya cadaalada Falastiin Maxamuud Habash ayaa axadii soo saaray, go’aan uu dhamaan maxkamadaha iyo laamaha cadaalada ee Falastiiniyiinta ku amrayo inaanay dhagaysan dacwad Furiin ku saabsan, dhamaan maxkamadaha Falastiina waxa uu Garsooraha guud ka mamnuucay in Furiin ka dhaco ama lagu dhegaysan karo.

Go’aankan ayuu Qaadiga guud ee Garsoorayaasha Falastiin ku sheegay inuu yahay mid daruuri ah, oo la jaan qaadaya xasaasiyada ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan oo uu ku tilmaamay in diiqad badani jirto, soo jeedka badan ee habeenkii iyo culayska soonkuna uu mararka qaarkood sababo in si fudud dalaaqu u dhaco ama rag cadhaysani ay si degdeg ah qoyskooda u burburin karaan.

SomlegalAds

Garsooraha Guud ee Falastiin ayaa sheegay in go’aankani ka dhashay Furiinadii Ramadaanadi hore dhacay oo u badnaa kuwo degdeg iyo ka fiirsasho la’aan u badnaa oo markii baadhitaano kala duwan oo ay ugu kuur gelayaan ay ku sameeyeen ay ogaadeen.

In cadhadu badato oo cuntada iyo hurdada oo ka yaraata dadku ay sababto in dulqaadku ka yaraado dadka badankooda, ka dibna la isku dhaco oo si fudud qoysasku ku burburaan, hadhowna shaydaanku ka faa’iidaysto oo ay adkaato in maaro loo helaa.

Garsoore Maxamuud Habashi ayaa garsoorayaasha maxkamadaha kula taliyay inay talo bixin iyo waano u sameeyaan lamaanayaasha cadhaysan ee u soo dacwooda, aadna kor loogu qaado wacyi gelinta iyo talo siinta qoysaska kala cabanaya, haddii ay ku adkaystaana loo sheego in bisha Ramadaan ka dib dacwadooda la dhegaysan doono.

Taas oo uu garsooruhu ku tilmaamay mid xal u noqon doonta qoysas badan oo is furi lahaa, suura galna ay tahay in xal loo helo dhibaatada ka dhex taagan ama waxyaabaha ay ku kala cabanayaan ee sababta u noqon kara inay kala tagaan oo ay is furaan.

In kastoo Furiinku aanu ku badnayn Falastiiniyiinta oo marka loo eego tirada guud ee shacabkooda ay aad uga Furiin badan yihiin waddamo badan oo ka dad yari, haddana waxa sida uu garsooruhu sheegay sanadihii u danbeeyay aad u soo badanayay qoysaska sida fudud u kala taga ee cadhada degdega ah iyo dul qaad yaraantu sababto Furiinkooda, waxaana sida uu xusay Furiinku kor u kacaa bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu gudo jiro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.