WorldRemitAds

Dadka ku dhaqan dalka cidhifka galbeed ugu xiga Waqooyiga qaarada afrika ee Murutaniya, ayaa leh dhaqamo badan oo badankooda lagu tilmaamo inay ka soo jeedaan, dhaqamadii afrikaanka ahaa ee dadkaasi lahaan jireen ka hor intii aanay diinta Islaamku soo gaadhin, ee aanay caraboobin.

Waxyaabaha aan ka dhaqan doorsoomin ee ay ilaa wali ku dhegan yihiina waxa ka mid ah, ciyaaro dhaqameedyo kala duwan, kuwaas oo ciyaarta shaxdu ugu muhiimsan tahay.

In kasta oo sida ay taariikh yahanadu sheegaan, shaxdu ka mid ahaan jirtay ciyaaraha dadka waayeelka ah u gaarka ahaan jiray, si gaar ahna loo ciyaari jiray, wakhtiyada dadka gacalka ah iyo saaxiibada kala raagay kulmaan, haddana waxa ay wakhtiyadii ugu danbeeyay ka mid noqotay ciyaaraha loogu jecel yahay.

SomlegalAds

Gaar ahaan marka la galo Bisha barakaysan ee Ramadaan oo dadka dalkaas intooda badan yar iyo wayn isku madadaaliyaan wakhtiyo maalintii.

Shaxdan oo aad ugu eg ta inta badan dhulka Somalidu degto laga ciyaari jiray, ayaa haddana ah mid aan boodhka faraha lala gelin ee sida laadhuuda oo kale loo soo daabaco, waxaanay leedahay madbacado daabaca iyadoo sida masalaha u samaysan oo shay harag la milgiyay ah.

Sida shaxda Somalida lalama tago geedaha balse waxa lagu ciyaaraa guryaha qol qolkooda, waxaana markiiba wada ciyaara labo qof oo isku ayni ah.

Ciyaarta Shaxda reer Murutaaniya ayaa Waxay leedahay shuruudo dhaqan ahaan u adadag, waxaana ka mid ah inaan haweenku ciyaari karin, labo qof oo kala wayn da’ ahaana ma wada shaxi karaan, waxaana cid kasta oo isku da’ ama ayni ahi ay u wada ciyaaraan gaarkooda.

Haddii Irmaan dhawr jeer lagu qaado waxa lagu saarayaa ganax kooban oo u badan in dhengad yar lagaa jaro, in danbas laguu mariyo wajiga oo sida geela dhawr farood lagugu sunto iyo in aad uga baxdo haddii uu jiro qof ku sugayaa.

Dadka waaweyni waxay inta ciyaarta shaxda lagu jiro is waydaarsadaan erayo sarbeeb ah, waxa kale oo aan ka madhnayn sida Somalida oo kale Tanaan degay iyo halku dhegyo ciyaareed oo faan iyo xafiiltan u badan.

Sida wax walba loogu kala wanaagsan yahay ayaa loogu kala xariifsan yahay, looguna kala dheereeyaa  ciyaarta shaxdaas,  waa ciyaar u muuqata in la casriyeeyay oo horumar lagu sameeyay, sida loo ciyaaro.

Waxa kal mamnuuc ah in lagu ciyaaro wax ka badan laba qof, cida kala dhinac fadhida labada qof ee ciyaaraya way kala taageeri karaan, waanay u banaan tahay inay u tilmaamaan saaxiibkood godka uu degayo iyo ka uu ka guurayo.

Waa ciyaar xiiso badan sida wakaaladdaha wararku qoreen, waxaanay kaga gaashaantaan Turubka iyo dubnadda oo danbi ay u yaqaanaan, ciyaarta shaxda lama ciyaaro wakhtiyada salaaduhu soo dhaw yihiin, marka eedaan dhaco cidii lagu arko iyadoo ciyaaraysa waa laga jeex jeexaa.

Ciyaartani looma ciyaaro sida khamaarka oo kale oo wax sharad ah ama baadifad laguma kala heli karo, waxa kale oo ka reeban in lagu dul ciyaaro miisas iyo kuraas, oo wallow ay harag madbacadi soo daabacday lagu ciyaaro, haddana miis lama dul dhigan karo, kaliya waa in dhulka lala fadhiisto oo sida shaxdeena loo ciyaaro ay u wada fadhiistaan tartamayaasha iyo taageerayaasha labaduba.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.