WorldRemitAds
Dallada kulmisa ururada iyo bulshada reer Somaliland ee Yurub SSE (Somaliland Society in Europe) ayaa idinla wadaageysa dareenka togan ee ay ka qadatay in madaxweynaha Somaliland uu magacaabay guddi heer Qaran oo u hawl geli doono arrinta qaddiyadda aqoonsi raadiska Somaliland.

Boogaadin:
Ugu horreyn Dallada SSE waxay hambalyaynaysaa tallaabadan taariikhiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku magacaabay Guddi culus oo u xilsaaran u hawl gelida dhabihii ama dariiqii lagu gaadhi lahaa ictiraafka Somaliland. Dhammaan xubnaha ku jira guddigan ayay Dalladu u aragtaa inay yihiin dadkii ama kooxdii ehelka u aheyd arrinka loo igmadey. Waa mas’uuliyad culeyskeeda iyo waajibaadkeeda wadata, waxaanu dhammaantood Ilaahay uga baryaynaa in Ilaahay u sahlo ka soo bixida hawshaa loo xil saaray.
Waxa aanu u aragnaa inay tahay arrin lagu dardar gelinayo dedaalka icrtiraaf raadinta loogu jiro oo beryahan dambe Dallada SSE ay ka qabtay aragti ah in laga gaabiyay. Muhimad weyn ayay Dallada u aragtaa guddigan la magacaabay, waana guddi aanu rajaynayno inay 100% kasban doonaan kalsoonida dadka reer Somaliland.
Taageero:
Dallad ahaan waxa aanu baaqan ku cadaynaynaa taageerada buuxda ee aanu u hayno fikirkan oo aanu hubno inuu yahay mid fiican isla markaana aanu rajaynayno inuu noqdo mid midho dhal ah. Waa guddi aanu u aragno inay leeyhihiin aqoontii, waayo aragnimadii iyo kartidii looga baahnaa. Waa guddi haddii ay la yimaadaan shaqada iyo xilksanimada looga baahanyahay heli doona ama kasban doona taageerda shicibweynaha reer Somaliland ee waddankii iyo kuwa Qurbahaba. Waa guddi loo hanweynyahay isla markaana aanu u rajaynayo inay haystaan fursado ama taageero ay ku fuliyaan waajibaadyada iyo hawlaha laga filayo.
Talooyin:
Inkastoo Dallada SSE ay ogtahay aqoonta xubnaha guddiga heer Qaran ee Ictiraafka Somaliland ayaa haddana Dalladu ay u soo gudbinaysaa tallooyinka soo socda:
-Ugu horreyn si guddigu u noqoto mid hawshan u qumi karta ayaanu xukuumadda Somaliland si xushmadi ku jirto uga codsanaynaa in guddiga lala garab istaago taageerada iyo cududa ay u baahanyihiin si ay uga gudbi karaan arrimaha awoodooda ama karaankooda dhaafsiisan.
 – Waxa aanu xubnaha guddiga u rajaynaynaa inay noqdaan qaar isku duuban isla markaana si wada jira u xaaleeya dhammaan arrimaha la xidhiidha ictiraafka ama aqoonsiga Somaliland. Inay noqdaan guddi u wada shaqeeya qaab ama hab kooxeed oo ka faa’iideysta fikradaha iyo khibradaha kala duwan ee ay leeyhiin xubnaha guddigu.
-Waxa aanu ka rajaynaynaa inay noqdaan guddi wakhti geliya inay soo saaraan istaraatajiyad qeexan oo loo marayo dhabaha ictiraafka Somaliland iyaga oo kaashanaya cid kasta oo ay ku tuhmayaan inay wax ku kordhin karaan.
– Guddiga waxa aan ka filaynaa iyaga oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo wakiiladeeda Dibedda inay arrinka qaddiyadda falanqeyntiisa gaadhsiiyaan Golayaasha caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo waddamada aynu ku tuhmayno inay arrinka Somaliland u dhuun daloolaan.
– In dib loo dardar geliyo abaabulka saaxiibadii Somaliland ayaanu ka rajaynaynaa guddigan.
-Waxa iyaduna meesha ku jirta in sahanka loogu jiro ka midho dhalinta ictiraafka Somaliland uu u baahanyahay dhaqaale. Guddigan waxa aanu kula talinaynaa anagoo ogsoon heerka dhaqaalaha Somaliland inay haddana mahuraan tahay in la helo dhaqaalihii iyo maalkii sahli lahaa dhaqdhaqaaqa iyo shaqada ay guddigani qabanayso iyo weliba cida ay sii adeegsanayaan. Adduunkii wakhtigan maanta la joogo waa danaysi iyo dan aanu ka madhnayn dhaqaale iyo maxaad haysaa. Dallada SSE waxay aaminsantahay in arrinkai yahay ka ugu muhiimsan.
-Adeegsiga iyo la shaqeynta ururada qurbo jooga Somaliland ayaa iyaduna mudnaanteeda leh iyo inay guddigani la yimaadaan qaabkii iyo istaraatajiyadii ay kula shaqeyn lahaayeen.
Gebogebo:
Gunaanad ahaan Dallada SSE waxay baaqan kooban ku muujinaysaa sida loogu baahan guud ahaan in la isku duubnaado. Guddiga la shaqeyntiisa waa lagama maarmaan, dallad ahaan waxa naga go’an in aan wixii karaankayaga ah aan la garab istaagno. Ugu dambeynta shaqo wacan iyo guul ayaanu u rajaynaynaa dhammaan xubnaha guddiga.
Alle ayaa mahad leh,
Guddiga fulinta ee Dallada SSE

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.