WorldRemitAds

Daraasad cusub oo dhawaan laga sameeyay dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday, in ka run sheegista iyo in jacayl dhab ah ninku u hayo afadiisa ama lamaanihiisa lagu ogaan karo, baadhitaan lagu sameeyo dhiigiisa, gaar ahaan marka la baadho, qaybaha hormoonada ox tonic, ama hormoonada masuulka ka ah jacaylka.

Hormoonadan ayaa ah kuwo raga marka jidhkoodu sii daayo ee ay dhiiga ku darsamaan lagu xaqiiqsan karo in jacaylku ka dhab yahay, halka dumarka ay hormoonadani ka yimaadaan oo kaliya marka ay ilmaha jaqsiinayaan, taas oo muujinaysa in labada jinsi ku kala duwan yihiin, oo ragana Alle (SW) u galiyay jacaylka xaaskiisa, haweenkana uu uga masuulka yahay, u godlashada ilmaha ay naaska jaqsiinayaan.

Daraasadan oo lagu daabacay dhawaan wargeyska arrimaha caafimaadka ka faalooda ee Time ee ka soo baxa dalka Maraykanka, waxa ay intaa ku daraysaa in baadhitaan lagu sameeyay 136-qof oo dhalinyaro da’doodu u dhaxayso labaatan jir ilaa sodon jir, lagu ogaaday in kuwa jacayl iyo danayn xoog lihi u hayso qofka dumarka ah ee ay la kulmeen ay kor u kaceen hormoonada Ox Tonic, halka kuwii iska ciyaarayay ama aanay dhab ka ahayn aanay wax kor u kac ah iyo dareen hormoonadaa ku saabsan aanu jidhkoodu sii dayn.

SomlegalAds

Hormoonadan ayay daraasadu sheegtay in dhalinyarada haasaawaha ku jirta ay kor u kacaan muddo dheer halka ay hoos u dhac iyo kor u kac ka dhexeeyaan dadka is qaba, taas oo muujinaysa marba heerka sida ay isku danaynayaan gaadhsiisan tahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.