WorldRemitAds

Cilmi baadhayaal aan aaminsanayn diinta Islaamka oo ka tirsan waddamada reer galbeedka ayaa daraasad cilmiyeed la xidhiidha qoyska oo ay dhawaan sameeyeen, ku ogaaday in bisha Barakaysan ee Ramadaan wax badan ka badasho hab dhaqanka Qoyska xidhiidhkooduna aad u wanaagsanaado inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Cilmi baadhistan oo ay isugu tageen khabiiro tiro badan oo ka kala tirsan, Jaamacadaha dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Belgium iyo Holland, waxa lagu muujiyay in xidhiidhka qoysku aad u wanaagsanaado inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan lamaanaha qoyska oo gala xaalada ugu wanaagsan ee noloshooda oo aad uga duwan ta bilaha kale ee sanadka.

Sida warbixintu cadaysay, cibaadada badan iyo is badalka nololeed ee Ramadaantu waxa ay abuurtaa, in dadku yeesho dabeecado iyo hab dhaqan ka wanaagsan kii hore, waxaana bata dulqaad iyo is tix galinta, labada dhinac ayaa mid walba dareemaa ahmiyada iyo kaalinta uu qofka kale kaga aadan yahay.

SomlegalAds

Warbixintan ayaa sidoo kale xustay in haweenku wakhtiga bisha barakaysan ee Ramadaanta lagu jiro ay yareeyaan, madax taaga iyo tartanka ay raga kula jiraan, halka dhinacoodana ay Ragu ka dareemaan, ahmiyada iyo kaalinta balaadhan ee afadiisu ugu jirto, tix galin badana ay dhexdooda ka abuuranto.

Baadhayaashan ayaa rayi ururintooda ku waraystay in ka badan, kun iyo shan boqol oo lamaanayaal qoys ah, kuwaas oo mid walba cadeeyay sida uu ugu qanacsan yahay lamaanihiisa iyo sida tix galintoodu uga fiicnaato wakhtiyada kale.

Dadka rayigooda la waydiiyay ayaa mid walba rag iyo dumar sheegay in khayrka iyo dedaalka badan ee cibaadadu kor u qaado, nolosha qoyska isla markaana abuuro jawi is jacayl iyo is tix galin ah.

Rag badan ayaa sheegay in waxyaabo badan oo marka hore ay indhaha ka lalinayeen ay dhacaan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyaga oo tilmaamay in haweenku bisha Ramadaan qabtaan, hawlo badan oo shaqadu ku laban laabanto, sidaa awgeed ay tix galin badani imanayso oo qof kasta oo caqligiisu sax yahay, dareemi karo, qiimaha iyo kaalinta afadiisu ugu fadhido.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.