WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 12, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka ugu baaqay inuu ku dedaalo inuu turxaan bixin ka sameeyo khilaafkii ka dhashay shirka shanaad ee Golaha dhexe.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu kaadiriinta KULMIYE ku dar-daaray inay ilaaliyaan midnimadda xisbiga, sidaasna waxa uu ka sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyay xidhitaankii shirkii shanaad ee Golaha dhexe oo uu soo gabo-gabeeyay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu gunaanadkii shirkii golaha dhexe ka jeediyay khudbad u qornayd sidan:-“Hoggaanka, Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, dhammaan waxaan ku hambalyeynayaa guusha uu ku dhammaaday shirkii shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga ee labada maalmood socday. Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socota, waxaan u rajaynayaa guul.

SomlegalAds

Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dedaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.
Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen.
Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga KULMIYE in ay midooban, wixiii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan. Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dedaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga.”

Geesta kalena, waxa Madaxweynaha Somaliland waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE ka guddoomay shahaado sharaf ay ku maamuuseen horumarka uu dalka gaadhsiiyay iyo tallaabada naadirka ah ee uu kaga tanaasulay inuu is sharaxo markii labaad ee dastuurku u ogolaa.

Waxaanu Muuse Biixi sheegay in arrintaasi Madaxweyne Siilaanyo ka dhigayso madaxweynihii labaad ee Afrikaan ah ee ay ka suurto-gashay inuu ka hadho tartanka doorashadda kalkiisii labaad ee uu xaqa u lahaa.

Guddoomiyaha KULMIYE waxaa kale oo uu madasha ka jeediyay khudbad dheer oo taabanaysa hiigsiga Xisbigiisa iyo qorshayaasha ay doonayaan inay ku haggaan dalka, isaga oo carabka ku adkeeyay waxyaabaha ay doonayaan inay ka qabtaan arrimaha bulshadda guud ahaan, xidhiidhada dunida iyo waddamada jaarka ah, “Sida aad wada og-tihiin, Xisbiga KULMIYE muddadii uu hayay talada dalka wuxuu gaadhay guulo aad u fara badan oo taariikhda galay. Guulahaas oo ahaa horumar ballaadhan oo aan ku koobnayn dhinacyada dhaqaalaha, dhisida hay’adaha dawladda, fidinta maamulka iyo maamul-daadejinta, arrimaha dibedda iyo xidhiidhada caalamiga ah, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, hirgalinta barnaamiyada dib-u-habaynta nidaamyada maaliyadda, shaqada iyo shaqaalaha, cadaaladda iyo nabad-galyada. Dhammaan guulahaas waxa gadh-wadeen u ahaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Haddaba, iyada oo hal-ku-dhiggeenu yahay, Amni, Horumar, Cadaalad iyo sharciga oo loo sinaado, Xisbiga KULMIYE wuxu dib-u-eegid iyo qiimayn ku samayn doonaa barnaamuj kii siyaasadeed ee xisbigu dalka ku hoggaamin jiray shanti sannadood ee tagay. Golaha dhexe ee xisbiga ayaa diyaarin doona hawshaasi kal fadhigiisa kan ku xiga.” Ayuu yidhi waxaa kale oo uu khudbadiisan fariin ugu diray saaxiibadiisa ka soo horjeedda ee murashaxiinta ahaa, waxaana uu yidhi. “Waxa aan halkan baaq uga dirayaa mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bah-weynta KULMIYE, siiba saaxiibadaydii cadhada kooban nooga maqnaa maalmahan dambe. Waxa aan leeyahay wada-jirka iyo is-kaashiga ayaa horseedi kara horumar Xisbi.

Xisbiga KULMIYE waa Xisbigiinii, waa Xisbi qaran oo xoog badan, oo dhismay oo ku taabo galay tacab kiinii, Khilaafku waa sunaha siyaasada waxaanu la socdaa nolosha aadamaha guushu se waxay ku jirtaa xalinta khilaafka sidaa darteed waxan soo jeedinayaa in aynu isu nimaadno ka wada hadalo wixii jira kana heshiino, ku soo dhawaada Xisbigiinii oo idin jecel. Waad mahadsan tihiin.”

Shirkii golaha dhexe oo laba cisho ka socday Hargeysa ayaana shalay khudbadahan lagu soo gunaanaday ka dib markii lagu doortay murashaxiinta doorashadda madaxtooyadda Xisbiga KULMIYE uga qaybgali doonta.

Maalintii shalay oo ahayd maalintii labaad ee shirku socday isla markaana la soo gebagabeeyay ayaa waxyaabihii shalay la qabtay ama shirku ku saabsanaa wax uu ahaa dib u eegis iyo wax ka bedel qodobada qaarkood, waxaana qodobada la taabtay ka mid ahaa sida xubnaha xilalka hayaa golaha dhexe ku soo galaan. Golaha dhexe oo ay hore xilalka ugu soo gali jireen xubnaha KULMIYE ee golaha wakiillada ku jira iyo kuwa golaha wasiirada ku jira ayaa hadda lagu kordhiyay in xubnaha Guurtidu xilal ku soo galaan golaha dhexe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.