WorldRemitAds

Washington DC, November 12, 2015 (Saxafi/State Gov) – Waaxda Cadaaladda ee dowlada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday barnaamij ay ku soo bandhigtay lacag abaalmarin ah oo la siinayo cidii keenta xog sugan iyo macluumad cadaynay goobta uu ku sugan yahay mid ka mid ah 6 qof oo ah hogaamiyayasha kooxda Al Shabab saldhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

 Qoraalkan oo ka soo baxay xafiska afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Maraykanka oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegaya in abaalmarin lacag ah oo dhan $6 million oo dollar la siin doono. cidii keenta warbixin iyo macluumad ku saabsan goobta uu ku sugan yahay hogaamiyaha Al-Shabaab Abu Ubaidah (Diiriye), sidoo kale waxa la siin doonaa $5 million oo dollar cidi macluumad ka keenta nimanka magacyadooda la yidha Mahad Karate, Maclin Daa’uud iyo Xasan Afgooye. Waxa kale oo la siin doona lacag dhan $3 million oo dollar cidii keenta warbixino iyo macluumaad ku saabsan labada nin eek ala ah Macalin Salman iyo Axmed Imaan Cali.

Bilowgii sannadka 2006, kooxda Al Shabaab ayaa laysay shaqaale samafal ah, iyo ciidamo nabad gelyo oo ku sugan dalka Soomaaliya, Ugaandha iyo Kenya.

SomlegalAds

 Al- shabab waxa ay masuuliyadooda sheegatay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee bishi July 11, sannadki 2010 ka dhacay magaaladda Kampala ee dalka Ugandha, waxana ku dhintay in ka badan 70 qof oo hal qof uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka. Al shabaab waxa kale oo ay masuuliyadeedda qaadatay weeraradii uu fuliyey bishi September 21-24, 213, ee ahayd kuwa lagu fuliyey dhismaha loo yaqaan Westgate Shopping Mall oo ku yaala magaalada Nairobi dalka Kenya, waxa kale oo ay sheegtay weerarkii ka dhacay magaaladda Garrissa gaar ahaan Jaamacadda Garrissa oo ay ku dhinteen 150 qof.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda ayaa u aqoonsaday ururka Al-Shabaab urur argagixiso ajaanib ah bishi March 18 sannadkii 2008. Bishi February sannadki 2012, Al-shabaab iyo kooxda Al-qaacidda ayaa midoobay islamarkaana noqday hal shabakadd iyagoo shaaciyey in ay midoobeen.

Abu Ubaidah, oo loo yaqaano Diiriye, waxa loo magacabay hogaamiyaha ama amiirka Al-shabaab bishii September 6, 2014, ka dib dhimashaddii hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi aw-Maxamed (oo loo yaqaan Godane).

mahad_karateMahad Karate, oo loo yaqaan Cabdiraaxman Maxamed Warsame oo kaalin ku leh garabka Al-Shabaab u qaabilsan kharijiinta iyo weerarkii bishi April 2 lagu qaaday xarunta jamacadda Garrissa.

Ma’alim Daud waxa uu qaabilsana Al-shabaab qorshaynta, xero gelinta dagaalyahano cusub, iyo hawlgalada lagu fulinayo qaybaha dowladda Soomaaliya iyo reer galbeedka ku sugan dalkaas.

ahmed_aliHassan Afgooye, waxa uu maareeyaa isku xidhka iskaashatada ilaha dhaqaale oo dhaqaaqoodu ka kooban yahay ururo samafal been ah, iyo dhaqaale ururin nooc budhcadnimo u dhisan iyo dhaqaalaha ka soo xarooda afduubka oo taageero weyn ah, islamarkana xoojin u ah hawlgalada Al-Shabaab.

Macalim Salman waa hogaamiya Al-Shabaab laanteeda dibadda ee qaarada Afrika, si loo soo xero geliyo dagaalyahano ajaanib ah iyo ka qayb qaadashada hawlgalada lagu qaado dalxiisayaasha Afrika, goobaha lagu caaweeyo iyo kaniisadaha.

Ahmed Iman Ali waxa uu qaabilsan yahay dhiriigelinta dhalinyarta Kenyanka ah iyo ururinta dhaqaalaha loogu talo galay kooxda al-Shabaab.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.