WorldRemitAds

Tobanaankii sanadood ee u danbeeyay waxa meelo badan oo dunida ah, degaanka si wayn u khal khaliyay, hadhaaga caagadaha laga cabo sharaabka noocyadiisa kala duwan iyo biyaha, kuwaas oo dhibaatadooda fool xumo ka sakow, waxyeelo wayn ku haya degaanka, waxaana dhibaatadaas kor u sii qaaday tirada xad dhaafka ah ee laga isticmaalo caagadaha.

Haddaba magaalada Beijing oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida dadka ugu tirada badan duniduna ay ku nool yihiin, waxa maalin kasta labaatanka milyan ee ku dhaqan, magaalada Beijing ay cabaan labaatan ton oo sharaab kala duwan ah, maalin kasta isticmaala, taas oo sababta in malaayiin caagadood lagu daadiyo goobaha qashin qubka, laakiin dib u ururintoodu ay culays wayn ku noqotay dawlada hoose ee magaalada Beijing.

Dawlada hoose iyada oo ka duulaysa dhibaatada dhinac walba leh ee qashinka caagaduhu ku hayaan, magaalada waxa ay bilaabeen, qorshe lagu soo celinayo bilicdii isla markaana ay suura gal noqon karto in lagu ururiyo qashinkaa xad dhaafka ah ee caagadaha Plastic-ga ee buux dhaafiyay magaalada.

SomlegalAds

Qof kasta oo caagado laga cabo biyo ka soo qaada qashinka, waxa loogu badalayaa tigidh tareen ama bas oo uu magaalada ku dhex gooso, haddii kale oo aanu rabin taasna waxa la siinayaa taa badalkeeda lacag u dhiganta.

Waxa magaalada laga dhex sameeyay mishiino qofku ku ridayo caagada uu isagu sharaabka ka cabo ama meel taala ee uu arko, ka dibna deg deg ugu badalaysa tigidh ama lacag u dhiganta, waxaana mishiinkan oo lagu magacaabo ATM Ticket uu qofka siinayaa jawaab deg deg ah.

Mishiinadan oo ku rakiban goobaha laga goosto tigidhka Ayaan qofka u shaqaynayn haddii uu lacag ku rido sidii caadiyan ahaan jirtay, in qofku lacag ku rido ka dibna uu tigidhka safarka helo, laakiin waxa uu mishiinkani qofka tigidhka siinayaa marka uu caagad faaruq ah oo sharaab laga cabo ku rido uun siinaya tighidh ama lacag u dhiganta.

Sida ay ku warantay jariirada Huffington Post, tijaabadan ayaa sida muuqata noqotay mid guulaysatay, waxaana la arki karayay kumayaal dadka reer Beijing ah oo safaf dhaadheer kula jira caagadaha sharaabka laga cabo, si ay u helaan tigidho ay tareenada ku raacaan.

Caagadaha sharaabka iyo biyaha laga cabo ayaa noqday dhibaato hor leh oo baabi’isay degaanka taas oo aan ku ekayn, dhulka bariga ah oo kaliya balse u gudubta ilaa badaha oo sadhaynaysa xitaa noolayaasha kala duwan ee badaha ku jira ka dib marka uu daadku qaado, waxaana meelaha sida wayn ay u aafeeyeen ka mid ah magaalooyinka Somaliland oo si aan nidaamsanayn isla markaana basar ahayn ay dadku ugu daadshaan meel kasta, kuwaas oo aad arkayso in raqdooda marka gaadiidku taayirka mariyo ay fool xumo iyo dhibaato degaan oo is barkan ku hayaan meel kasta, iyadoo ay shirkadaha biyaha iyo sharaabka ee Somaliland ay dhawaan ka soo horjeesteen qorshe ay Dawladda hoose ee Hargeysa u soo jeedisay oo ahaa inay kharash yar bixiyaan kadibna ay dawladda hoose ee Hargeysa dib ugu iibsato hadhaaga caagadaha ee sharaabka iyo biyaha laga cabo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.