WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 14, 2019 (Saxafi) – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa dalka keentay Daamurkii ugu badnaa ee ay ku dhisayso waddooyinka caasimadda, kaas oo horraantiisii uu dorraad soo gaadhay Xarunta Karashka ee magaalada Hargeysa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Daamurkan oo ay tiradiisu tahay 10,000 foosto ayaa ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku dhisi doontaa waddooyinka magaalada Hargeysa, kuwaas oo si degdeg ah hawshooda loogu dhaqaaqi doono.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ka hadlay Daamurkan, ayaa waxay sheegeen in muddo lix bilood ah ay sugayeen oo uu dib u dhac ku yimid kaddib markii cuno-qabaynt lagu soo rogay dalka Iran oo ay kasoo iibsan jireen.

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Keentay Daamurkii Ugu Badnaa
Xoghayaha Dawladda Hoose ee , Axmed Yoonis Aadan (Juxa) [midig] iyo xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane

Xoghayaha Dalwadda Hoose, Axmed Yoonis Aadan (Juxa) ayaa xusay in Daamurkan oo dhisi doona waddoooyin badan uu horraantiisii soo gaadhay, kaddib muddo lix bilood ah oo uu ka go’naa, waxaanu yidhi: “Daamurkan soo rogayaa wuxuu naga go’naa muddo lix bilood ah oo canaan badan ay nagaga timid madaxweynaha iyo shicibka. Daamurka Iran ayaynu ka qaadan jirtay oo iyadana cuno-qabatayn ayaa ku dhacday, tacab badan ayaananu usoo marnay sidii aanu ku keeni lahayn.”

Xoghayuhu waxa uu sheegay inay dalbadeen 10,000 foosto, laakiin ay hadda soo gaadheen 15 koontiinar, waxaanu yidhi: “Toban kun oo foosto ayaanu dalbadanay, maantana waxa rogmaya 15 baabuur oo 15 koontaynar sida. Waxaananu bilaabi doonaa labadii waddo ee madaxweynuhu nagu amrayey ee aanu dhagaxa dhignay, laakiin dhamaantood waddooyinka waanu samaynaynaa.”

Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ah xildhibaanka maamula Warshadda  Karasharka samanta jidadka, oo isaguna madashaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ee hadda jooga ay hanti badan oo qaranku leeyahay ka tegi doonaan, isaga oo xusay in warshaddaas iyo gaadiidka ka shaqeeya oo kaliya uu qiimahoodu ka badan yahay afar milyan oo dollar.

Xildhibaan Habane waxa uu tibaaxay in Golihii Deegaanka ee ka horreeyey aanay wax agab ah oo lagu sameeyo jidadka kala wareegin, balse ay iyagu hirgeliyeen warshadda Karasharka, Dab-demiska iyo mashaariic kale oo dalka dhaxal u noqon doona, waxaanu yidhi: “Muddo lix bilood ah ayuu daamurku naga go’naa haddana waxa noo yimid 10,000 foosto oo maanta la rogayo. Horena waddooyin faro-badan waanu u samaynay, warshaddaas iyo karasharkaasina waa hanti qaranku leeyahay oo ka badan afar milyan oo dollar.”

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Dab-demiska Hargeysa ee aad aragteen oo lacag badan ku baxday, hore uma jirin, waxaana sameeyey Golaha Deegaanka ee Hargeysa. Intii waddo ee ugu badnaa ee la sameeyeyna Golaha Deegaanka ayaa sameeyey, mana jirin wax aanu kala wareegnay Golihii deegaanka ee naga horreeyey, marka laga reebo hal iska-rogo iyo laba cagaf oo midkood fadhido, maantana in ka badan 80 gaadiid kuwa waddooyinka ah ayaa halkan yaalla.”

Ugu dambayn, Xildhibaanku waxa uu carrabka ku adkeeyey in Golaha deegaanka ee ku xiga ay ka dhaxli doonaan hanti badan, sida warshadda Karasharka iyo Dab-demiska.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.