WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 13, 2015 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Md: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay bixiyey lacago ay ugu deeqeen dawlad hoose ahaan mashaariic horumarineed oo ka socday Hargeysa, kuwaas oo ay hore ugu balanqaadeen, isla markaana qaybo ka mid ah dadweynuhu wadday.

Maayar Soltelko ayaa sheegay in lacagtani tahay mid ay kagala qaybqaadanayaan guddiyadda horumarinta ee degmooyinka caasimadda ka jira iyo ka qaybgalkii waxbarashadda ee xaga dugsiyadda.

Munaasibad uu lacagtaasi kula wareegayeen guddiyadda iyo shirkadaha dhismaha ee mashaariicdaasi wadda ayaa ka dhacday xafiiska maayarka Hargeysa, waxaana goobta joogtay xubnihii u matalayey dugsiyada waxbarashadda ee dawladda hoose ka caawinaysay dhismayaasha iyo qaybta dhismayaasha wadooyinka iyo biriijyadda oo guddidoodii u dhamayd.

SomlegalAds

IMG_20151111_223803Lacagtan ay dawladda hoose kala qaybqaadanayso dhismayaashaasi waxa kahadlay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo arrimahaasi sharaxaya waxa uu yidhi “Mashaariicdan aaanu bixinayna waa mashaariicdii ku jirta miisaaniyada 2015 oo qaybo hore u bixinay qaybtii labaadna maanta bixinayno, waana ka qaybgalka waxbarashada oo ah dhismaha laybareeriga Dayib Gurey oo dawlada hoose kaga qaybqaadanyso 74 milyan oo shilling Sl, dhismaha laba fasal oo ku yaala tuuladda anayo oo noqonaysa 74 milyan,Biriishka labaad ee caasimada oo ah qaybtii u dambeyey ee dawladda hoose kaga qaybqaadanaysay oo noqonaya 75 milyan oo shilling Somaliland, wadadda ex xero dhiigtii hore oo aanu kaga qaybqaadanayso afar iyo afartan milyan iyo sadex boqol iyo sedex iyo konton oo ah gacanta ku baxaysa iyo Jaygii wadooyin dhawr ah oo kala ah afar waddo wadada dugsiga imaaraadka , wadada siinaay, wadada gacan libaax, wadad sacadiin oo noqonaysa sideetan milyan iyo sideed iyo labaatan kun ah, lacagtaasi waxay qayb ka tahay mashaariicdii dawlada hoose ee ah ka qaybgalka waxbarashdda iyo dhismaha bariishka, wadooyinka, qaybta afraad waxay noqonaysa Baarkinka baabuurta ee dhinaca galbeed ee cisbitaalka Hargeysa laga dhigayo oo dhismihiisu socdo waxa bixinaynaa sagaal iyo lixdan milyan iyo sadex boqol oo dollar, waxaana leeyahay dadweynaha cashuurta bixiyaa, waxaanu wadnaa dhismihii goobtii la dhigayey agabkii wadooyinka ee aanu soo iibinay iyo Injineeradii oo iman doonna, waxaana lagu bilaabi doona wadadda madaarka tagta iyo wadadda labaad ee caasimadda, waxaanay wadooyinkaasi noqon doonaan kuwo casri ah oo raandhiis leh ee dadweyne cashuurta soo bixiya”.

Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay guddidii lacagta gudoontay ee dawladda hoose ugu deeqday, kuwaas oo u mahadnaqay maayarka iyo golaha deegaanka caasimada Hargeysa.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.