WorldRemitAds

Waxa todobaadadii u danbeeyey ka socday caasimadda Hargeysa olole balaadhan oo lagu banaynayo jidadka iyo wadooyinka waaweyn ee magaaldda oo ah goobo dad danyar ahi ku ganacsadaan.

Ololahan oo ay iska kaashadeen dawlada hoose iyo wasaaradda arrimaha guduhu ayaa ah mid ka mid ah hawlgaladii ugu balaadhnaa ee indhaweyd laga fuliyo caasimadda. Ololahan oo sida ay sheegeen la hagaajinayo bilicda wadooyinka ee caasimadda ayaa waxa uu galaafdey nolol maalmeedka dad badan oo dan yar ah, kuwaas oo quutal daruurigooda kala soo bixi jiray waxyaabo yaryar oo ay ku iibin jireen wadooyinka dhinacyadooda, kuwaas oo Cagaf la mariyey gabi ahaantoodba. Iyaddoo intii ay wax uga dhisnaayeena lagu amray in ay ka guuraan, balse aan loo qorshayn meel kale oo ay dagaan. arrintan ayaa dadweynaha siiba dadka danyarta ah aad uga cadheysiisay isla markaana sababtay in ay ka madax adeygaan amarka dawlada hoose iyaga oo sheegay in aanay haysan goob kale oo ay ku ganacsadaan,  dawlada hoosena aanay siinin meelo kale oo ay uga guuraan, sidoo kale dawlada hoose oo aanay u qorshaysnayn in ay dadkan meelo kale dajiso ayaa ku adkaysatay in ay banaynayso wadooyinka iyo wixii ka ag dhaw waxaanay xoog kaga rareen dhamaan dadkii danyarta ahaa ee ku ganacsan jiray meelaha wadooyinka ku dhaw inkastoo aanu dhamaan ololuhu oo uu ilaa imika soconayo, hadana sida caadada ah waxa dadkii danyarta ahaa ee laga baro kiciyey meelihii ay daganaayeen ay bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan goobihii hore looga qaxiyey, dhanka kale dawladda hoose oo kaashaysa ciidamo bilays ah ayaa iyana la tacaalaysa dadkaa oo dib uga caydhsata meelihii ay ku soo noqdeen. si kastaba ha ahaatee dadweynaha ku dhaqan Somaliland gaar ahaana caasimadda ayaa aragtiyo iyo siyaabo kala duwan u fasiray  ololahan ay dawlada hoose ku banaynayso wadooyinka caasimadda ee galaafatey nolol maalmeedka dadbadan oo wadhato ahaa, waxaanay dadka qaar ku doodeen in loo baahanyahay in laga shaqeeyo bilicda wadooyinka caasimada oo ay buux dhaafiyeen dad danyar ah, isla markaana doorbiday oo dantu ay ku qasabtay in ay dagaan wadooyinka dacaladooda ka sameystaan cooshado yaryar halkaana kala soo baxaan nololmaalmeedkooda halka dadka qaarna ka soo hor jeedaan kana bixiyaan aragti taa ka duwan kuna canbaareeyaan dawlada hoose in aanay u tudhayn dadka masaakiinta ah ee ay ka burburisay hantidoodii ayna albaabada u laabeen nolosha dadbadan oo danyar ahaa kuwaas oo aan awoodin  xataa hadii ay kiraysan lahaayeen bakhaarada kharashka si kastoo ay noqotaba shaki kama taagna in hawlgalkan dawlada hoose wado saamayn xoogle ku yeesho dad badan oo maxaysato ahaa.

hadaba hadaynu udaadegno biyo dhaca maqaal keenan, waxaynu  kaga hadlaynaa ama ku soo qaadanaynaa uguna kuur gelaynaa goob ka mid ah goobihii laga raray dadkii danyarta ahaa waana wadada dheer ee hor marta wasaarada caafimaadka ilaa madaxtooyada oo ay dib ugu soo laabteen dadkii halkaa laga raray iyo dhibaatada kala haysata iyaga iyo dawlada hoose, waxaanad  arkaysaa markaad u kuurgasho wax marna aad ka naxdo marna ku qoslayso, goobahan waxaa yaala dad ka ganacsada wax yaabo kala duwan sida kabadho qaad, sarif layaal, maqaaxiyo iyo hudheelo wax laga cuno, waxaanay dadkaasi khaatiyaan iska taageen, laba gaadhi oo kala ah gaadhi dhayne ah iyo xaajiyad boolis ah oo daba socota, waxaana si kedis ah dadka oo iska shaqaysanaya ay u soo galaan goobtan isla markaana waxay ka ururiyaan agabka ay ku ganacsanayaan sida kabadhada qaadka, dalaayadaha bacadka laga hadhsado iyo kuraasta,  dadka ayaan iyagu ka daalin inay dib subaxa dambe ugu soo shaqo tagaan goobahoodii  iyagoo ah, lugna baqe lugna dirir ugu taagan. waxa si kadis ah usoo muuqda labadii gaadhi, waxaan isku yaac-yaaca dhamaan dadkii halkaa deganaa iskuna daya in ay la yaacaan agabkii ay ku ganacsanyeen iyaga oo ku qariya meelo aan sidaa uga fogayn si ay u soo qaataan marka laga tago  waxaanay labadii gaadhi ururiyaan wixii ay ku soo gaadhaan goobta waxaanad la yaabaysaa markaad aragto hooyo danyar ah oo ka laalaada kabadh ama dalad yar oo ay bacadka ka hadhsanysay, askarina dacalka kale haysto oo uu ka maroojinayo, halka mid kalena tukhaantukhinyo runtii waad dareemi kartaa waanad sawiran kartaa  qof dumar ah, hooyo danyarah oo miiskii ama daladii yarayd ee bacadka ka hadhsanaysay laga qaatay oo waliba la tuurtuurayo  waa arin aad ka xumaanayso ta kale ee aad ku qoslayso waa kelmada dawlada hoose oo noqotay kelmad laga naxo dadku isku cabsi galiyaan waxaanad arkaysaa mararka qaarkood waxa dhaca in qof si kaftan iyo ciyaar ah u yidhaahdo dawladdii hoose waa tan oo la wada boodayo dadka qaarna si degdeg ah ula cararaan alaabadooda si ay uga baxsadaan dawlada hoose waxaana wax laysku baqdin galiyo noqotay kelmada dawlada hoose.

SomlegalAds

Qalinkii :Faarax Warsame Cali     (Buuni Yare)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.