WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 29, 2015 (Saxafi) – Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa ayaa kulan la yeeshay guddiyada nabadgalyadda degmooyinka caasimadda, kuwaas oo ku guubaabiyey inay amniga adkeeyaan.

Photofile
Photofile

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, xoghayaha dawladda hoose Ibraahim Axmed Raabi, Agaasimaha waaxda Amniga Ibraahim Xaashi, Xildhibaanadda golaha deegaanka iyo guddida nabadgalyadda ee caasimadda.

Ugu horeyn maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa guddida nabadgalyadda ee degmooyinka magaaladda Hargeya ayaa sheegay in amniga la ilaaliyo, isla markaana aanay cidi ku soo dhex gaban muranka xisbiga kulmiye kadhex jira oo uu xusay inuu iska dhamaan doonno.

SomlegalAds

“guddida nabadgalyadda oo ah dad si mutadawacnimo ah noola shaqeeya waxaan ku boorinayaa inay amniga degmooyinkoodda iyo xaafadahooga ilaaliyaan, isla markaana aanay ku mashquulin muranka xisbiga kulmiye ku jira oo aan ahayn wax weyn oo iska dhamaan doono, dimuqraadiyadda ayaa iska noocaas ah oo ah in marna la is qabsado marna la heshiiyo, marka yaanu cadowgeenu inaga faa’iidaysan oo ku soo dhex dhuuman waa inaad si foojigan ula socotaan xaafadihiina waxa ka ka jira aad baan idinku mahad naqaya hawsha balaadhan ee aad shacabkiina u haysaan, wixii amniga xumaynayana ee aad aragtaana la soo xidhiidhi ciidamada amniga oo mar walba heegan ugu jira”ayuu yidhi Caydiid maayarka Caasimadda Hargeysa.

Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanu dadku ku mashquulin siyaasadda iyo khilaafka kulmiye ka dhex jira, isla markaana dadka cadowga ah ee arrimahaasi jira is odhanaya ka faa’iidaysta waa inaad la socotaan.

“nidaamka dimuqraadiyadda ee aynu qaadanay ayaa noocaas ah in arrimaha lagu kala duwanaado, marna laga heshiiyo, qolo si bay u aragtaa horumarka qarankan, labadduba isku meel bay u socdaan ee qolaba dhinaca horumarkaasi u marayso uun baa lagu murnaa, murankan wuxuu taagan yahay uun golaha dhexe ee kulmiye marka dadku maaha inay ku dhex milmaan marka ay iyaga soo gaadho ee cod noqoto uun ha la gaadho laakiin inta kale ha ku mashquulina si aanu cadowgeenu inooga faa’iidaysan”ayuu yidhi Xogyaha dawladda hoose ee Hargeysa Ibraahim Raabi.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaanadda golaha deegaanka oo uu kamid yahay gudoomiyaha guddida arrimaha bulshadda Mubaarak Cabdi Malow iyo xogyaha arrimaha dhulka iyo hawlaha guud Xasan Shahar oo iyaguna ku baaqay in dadku la socdaan amnigooda oo ay nabadoodda ilaashadaan maadaama oo lagu jira wakhtigi horumarka.

Xubno iyaguna matalayey guddida nabadgalyadda ayaa iyaguna sheegay in dhankooda la shaqaynayaan ciidamada amniga, isla markaana mar kasta amnigoodda ilaashanayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.