WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 11, 2015 (Saxafi) – Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warar sheegaya inay dhul xabaallo ah iibinayaan, waxaanay xuseen inay xabaalaha qaboobay ay doonayaan inay Dayr ku sameeyaan.

Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Cago weyne, Xogyaha dawladda hoose IBraahim Raabi iyo Xildhibaanadda golaha deegaanka qaarkood ayaa si adag u beeniyey inay wararkaasi Websityada qaarkood qoreen aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay ka suurogalin inay xabaalo iibiyaan inay asturaan mooyee.
Ugu horeyn Xildhibaan Xasan Shahar ayaa sheegay inay ceeb ku tahay golaha deegaanka iyo dadkaba in Qubuuro la iibsado, waxaanu sheegayi nay masuuliyadooddu saaran tahay inay ilaaliyaan, isla markaana dayrar ku xidhaan si aan loo hungureen.
Dawladda HooseXildhibaan Xasan Shahar waxa uu yidhi “Sharafteenu waa inaynu ilaalino xabaalaheena, guryaheena aakhrina waa xabaalaha, Xabaalaha anaga ilaalina masuuliyada ayaa naga saaran”.
Xildhibaan Wayrax ayaa isna sheegay in aanay cidi hungureyn Karin xabaalaha, isla markaana aanay cidi ku dhici Karin inay xabaalo dad ku jiraan dhul loo bedelo taas bedelkeedana ay ilaalinayaan oo dayrar ku xidhi doonaan.
Xoghayaha dawlada hoose Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi ayaa sheegay inay dawladdo hoose u qorshaysan tahay in Xabaalihii qadiimiga ahaa ay dayrar waaweyn ku xidhi doonaan, isla markaaana ilaalin donaan.
“Dhamaan xabaalaha gaboobay ee caasimadda ku yaala sanadka dambe qorshaha ku darsanayna waanu dayraynaa si aanu u ilaalino xabaalaha”ayuu yidhi Ibraahim Raabi.
Sidoo kale, Maayar Ku xigeenka ah ahna ku simaha maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyn ayaa sheegay in dadkii waxgaradka ahaa ee xaafada xaabalahani ku yaalaan ay isla garteen in dawladda hoose dayr ku xidhayso xabaalaha balse aan arrimo kale loo socon, waxaanay dadweynihii caafaddu si weyn usoo dhoweyeen go’aankii aanu qaadanay ee lagu ilaalinayey xabaalaha.
Maayar ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Markii aanu tagnay xabaalaha waxay dadkii deganaa noogu duceeyey hawsha wadno, waxaana u sheegany in aanu dayr lagu xidhayo xabaalaha u samaynayo si aan cidnaba hunguri uga gallin”.
Dhinaca kale, masuuliyiintan ayaa ka hadlay Akoonkii dawlada hoose ee la sheegay in la xayiray taas oo ay sheegeen in aan akoon dawladeed qof loo xidhi Karin.
Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Cago Weyne oo ka hadlaya akoonkaasi la sheegay in garsoore soo amray in xidho waxa uu yidhi “Dawlada hoose waa Hay’ad dawli ah oo aanu qof lahayn oo lacag dhex wareegayso, maaha mid qof leeyahay, lacagna way soo gasha midna way ka baxda, mushaharka shaqaalaha ayaa laga saaraa, qashinka lacagta ku baxaysa ayaa laga saara, Akoonkaasi maaha mid qof xidhi karo, waana ka daba tagtay khaladna way ahayd”.
Sidoo kale, Xogyaha dawladda hoose Ibraahim Raabi ayaa isna sheegay in ninkan Akoonka loo xidhay sheegay in wakhtigii Cali Asad uu deyn ku lahaa taas oo hore loo xayiray wixii deyn ahaa ee wakhtigaasi la wareejiyey.
Xoghayaha dawlada hoose oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “halkaasi dood sharci baa ka furantay, dawladda hoose akoonkeeda qof looma xidhi karo, markii aanu baadhnay kiiskan waxaanu ogaanay in shan iyo toban sanno ka hor uu ninkaasi ka mid ahaa dad sheegtay deyn uu maayarkii wakhtigaasi Cali Asad ku wareejiyey, maayarkii wakhtigaasi kala wareegayey, deyntaasi oo aad u faro badnaa hadii la furana aan laga lug bixi Karin, waxa wakhtigaasi soo maray afar maayar oo Maayarkan ka horeeyey, halka dalkana uu soo maray saddex madaxweyne, kiiskaasi dawladda hoose loo xanibay ee qofka la yidhi waa loo xidhay Akoon hay’ad dawladi leedahay waa mid khalad ah garsoora go’aankaasi sameeyey waa mid doonayey inuu khalkhal galiyo nidaamka dawliga ah, gudoomiyaha maxkamadda sare waanu iska arki doonnaa, marka horumar la gaadho ee la arkay in dawlada hoose xagii horumarka u dhaqaaqday ayaa jilaafooyin loo dhigayaa, horumar badan ayaa soo socda oo warshaddo yaryar oo dadku ka shaqeeyaan baanu soo wadnaa, wadooyinka casriyeynaa marka maaha in kolba jilaafo loo dhigo, waraaqdaasina markiiba waxa buuriyey racfaankii, wax xidhana ma jiraan”
Dhinaca kale, masuuliyiinta dawladda hoose waxay sheegeen in maalinta Sabtidda ay oloihii cashuur bixinta ka bilaabi doonaa degmadda Axmed Dhagax iyagoo ugu baaqay inay u diyaar garoobaan isla markaana la shaqeeyaan.
Masuuliyiintan ayaa sheegtay in degmooyinkii Gacan Libaax, Lix iyo Labaatanka June iyo Kood buurba ay hore u soo mareen, waxaanay dadweynaha degmadda Axmed dhagax u diyaar garoobaan ololaha cashuur bixinta.
Ku simaha maayarka caasimadda Cabdicasiis Cago weyne oo fariin u diraya xaafadda Axmed Dhagax waxa uu yidhi “waxa la gaadhay wakhtigii horumarka, waxaana degmada Axmed dhagx u sheegayna inay u diyaar garoobaan inay cashuurta iska bixiyaan, waxaana cashuurtaasi ku dhisaynaa wadooyinka ee Axmed dhagaxow u diyaar garooba bixinta cashuur bixinta”.
Sidoo kale, xildhibaanadda golaha deegaanka ayaa iyaguna dadweynaha ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan si Hargeysa wax loogu qabto.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.