WorldRemitAds
Nayrobi, Kenya. December 01, 2015 (Saxafi) — Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay xadka ay la wadaagto Somalia u dirtay ciidammo dheeraad ah, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan-darro ah ka wadeen xadka toddobaadyadii u dambeeyay.

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag ka tirsan Al-shabaab oo u socda kooxo-kooxo ay toddobaadyadii u dambeeyay dhibaatooyin ka wadeen deegaannada gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
KENYA Oo CiidamoSidoo kale, xidhiidhiyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay inay adag tahay in amniga deegaanka la sugo, iyagoo sabab uga dhigay roobab da’aya iyo waddooyinka oo xun, balse waxaa uu sheegay in ciidammo badan xadka loo diray. “Waxaan xitaan isticmaali doonnaa ciidammo gaar ah si amaanka loo adkeeyo,” ayuu yidhi Maxamuud Saalax oo intaas ku daray. “Al-shabaab waxay mararka qaarkood weerarro ku qaadaan ciidamada AMISOM ee gudaha Somalia ku sugan, waxaana maalmihii aan kasoo gudubnay lagu arkayay soohdinta.”
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii shacabka deegaannada Konton iyo Bariga Wajeer ay sheegeen inay soo warareen 10-xubnood oo Al-shabaab ah; kuwaasoo weydiistay cunno iyo biyo.
Xoogagga Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inay ka gudbeen xadka Somalia iyo Kenya oo ay calankooda ka taageen deegaanno ka tirsan dalka Kenya, iyagoo dadka deegaanka ku waaniyay inaanay joogitaankooda u sheegin ciidanka Kenya, sidoo kalena gaadiidkooda aanay raacin.
Dhanka kale, dawladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan millateriga iyo booliiska la-dagaallama argagaxisada ee ATPU ay gaadheen deegaannada ku dhow xadka Itoobiya iyo Kenya, si ay uga hortagaan tahriibinta dadka.
Ugu yaraan 1,000 qof oo Itoobiyaan ah ayay Kenya sheegtay in toddobaadkii lasoo dhaafay ay ku xidheen deegaanka Isiolo-Moyale ee gudaha dalka Kenya, kuwaasoo la xusay inay ahaayeen dad tahriib ah oo laga keenay Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, taliyaha ciidanka baadhista deegaanka Isiolo, David Cheruiyot ayaa sheegay Isniintii toddobaadkii hore, inay xidheen 113-qof oo Itoobiyaan ah oo uu sheegay inay si sharci-darro ah kusoo galeen Kenya, haatanna ay ku xidhan yihiin xabsiga Isiolo

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.