WorldRemitAds

Dawladda dalka Maleeshiya ayaa mudo rubuc qarni ah markii ugu horaysay si rasmi ah u fasaxday in dadka Hindida ah ee ku dhaqan dalkaasi ay ciida diintooda u qabsadaan si caadiya isla markaana ay jidadka magaalooyinka waaweyn gaar ahaan magaalada Kuala-Lumpur socod diimeed ku dhex qaadi karaan.

Dalka Maleeshiya waxa ku dhaqan dadyow kala duwan oo kala aaminsan diimo kala duwan waxaase aqlabiyada leh dadka muslimiinta oo 88% tiradoodu ka badan tahay, waxaanay taasi keentay in wax badan distoorka dalkaasi uu ogol yahay mushtamaca musliimiinta ah oo kaliya.

MalaysiaHasa yeeshee dadka Muslimiinta ah ee dalkaas ku dhaqani waxay si wayn u xasuustaan cidhiidhigii iyo dulinimadii ay dadka Shiinaha iyo Hindida ahii kula dhaqmi jireen wakhtiyadii gumaystihii Ingiriisku dhulkooda haystay ee hantida dalka gacanta uu u galiyay dadka Hinduuska ah iyo Kuwa Shiinaha ah oo hantida dalka la wareegay dadkii asal ahaan dhulkaa ku dhaqnaa ee Malayga ahaa oo intooda badan Muslimiin ahaayeena baday inay u noqdaan shaqaale.

SomlegalAds

Dadka Malayga ahii waxay aaminsan yihiin in dadka Hinduuska Iyo Shiinaha qoomiyadaha ka soo jeeda ay dalkooda weerar ku soo qaadeen oo ingiriiskiina dagaameeyay.

Laba sanadood ka hor markii dadka Muslimiinta ah iyo kiristaanka tirada yare e dalkaasi birta iska asleen ayay dawlada dalkaasi soo rogtay hanaan diimaha loogu samaynayo tanaasulaad dheeraad ah, waxaana sanadkan markii ugu horaysay laga xusaya magaalada Kuala-Lumpur Diinta Hinduuska sida sawirka qormadeenan ka muuqata nin Hindi ah oo sita carshi ay ku xusaan diintooda ayaa wakaalada wararka ee AP ka qaaday sawirkan isagoo dhex socda mahrajaan dadka Hinduugu ku qabsadeen caasimada Maleeshiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.