WorldRemitAds

Doha, Qatar, June 2, 2018, (Saxafi) – Dawladda Qatar ayaa Markab hub ah u soo dirtay Dalka dagaaladu halakeeyeen ee Somalia. Iyaddoo jabisay Qaraar Golaha amaanku kaga mabnuucay dalkaas hubka, tan iyo 1992.

Sidaas waxaa lagu bilaabay qoraal Wargeyska Al-Bayan qoray doraad. Warku waxaa uu intaas ku daray in dawladda Doha ay sida ay u kuurgalayaashu tilmaameen uga jeeddo inay ku maamusho oo saameyn ku yeelato Wadamada Afrika iyo inay joogtayso gacan ku yeelashadeeda kooxaha argagixisada ah. Iyaddoo dalkan dagaaladdu daashadeen dadkiisu ay la daalaa dhacayaan baahiyaha nolosha guud ahaan.  Albayan waxaa ay ku warantay in dawladda Qatar hanaan tahriibin ah hubkan u soo rartay, iyaddoo ka dhigaysa inuu sido kaalmo bini’aadminimo iyo samafal ku wajahan Somalia.

SomlegalAds

Waxaana dawladda Qatar hubkan marisay sida warku sheegay oo rartay ama la dhexmariyay hay’ada “Qatar Charity” taas oo lagu eedeeyo maalgalinta argagixisada dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay kooxaha ka jira Somalia.
Warka Al-Bayan waxaa uu intaas raaciyay in nin lagu magacaabo Abdrahman al-Naimi oo ka mid yahay  deeq-bixiyeyaasha ugu muhiimsan ee gacanta siiya kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo arragti ahaan aaminsan fikirka kooxda caalamiga ah ee ururka al-Qaeda. Warku waxaa uu sheegay in Qatar taageerto howlaha ururkan guud ahaan uu ka waddo wadamada Carabta iyo Islaamka sida Soomaaliya, Syria, Liibiya, Yemen, Mali iyo Afghanistan
Dhanka kale, wargeysku waxaa uu soo xigtay eed xukuumadda Somaliland u jeedisay dowladda Qatar hore iyo sidoo kale eed Xukuumaddu ugu jeedisay maamulka Muqdisho dagaalka uu ka huriyay Sool ee uu galiyay maamul goboleedka dariska la ah Somaliland ee Puntland.

Warkani waxaa uu sheegay in Somaliland ku gacan saraysay oo Somali qoomamaysay dagaalka ay kaga wakiilka ahayd Qatar oo doonaysa inay colaad ka abuurto gobolka sida Al-Bayaan wariyay.

Faragelinta Qatar ee Soomaaliya ma aha wax cusub, sidoo kale hay’ada Maraykanka ah ee US Democracy Support Foundation ayaa Washington ka sheegtay in ay aaminsan tahay in hogaamiyayaasha al-Qaeda ee aagga Hindiya iyo dhaqdhaqaaqa argagixisada Al-Shabaabta Soomaaliya taageero ka hesho oo ay dagan yihiin qaarkood Qatar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.