WorldRemitAds

Maamulka Shuuciga ah ee dalka Shiinaha ka taliya, ayaa sharci kama danbays ah ka soo saartay magacyo ay dadka muslimiintu la baxaan, inaanay dadka diinta Islaamka aaminsan ee dalkaasi aanay la bixi Karin, ubadkoodana aanay u bixin.

Sida jariirada New York Times ay jimcihii todobaadkan ku qortay bogeeda faalada qoomiyadaha dawladahoodu dulmiga kula kacaan ee dunida, oo uu qoro suxufi lagu magacaabo, Javier C. Hernandez, maamulka shuuciga ah ee dalka Shiinaha oo tacadiyo tiro badan ku hayay, qoomiyada muslimiinta dalkaas ee Uighur-ka loo yaqaan.

Iyo qoomiyada kale ee Turkestan-ka loogu yeedho oo ku dhaqan, gobolada Siyaan Jin “Xinjiang” iyo gobolka Bariga Turkestan oo ah labada gobol ee ugu khayraadka badan dalkaas, ayaa culaysyo tiro badan oo si is dabo joog ah ay maamulka dalkaasi ugu hayeen ay ugu biirtay in xitaa magacyada ay la baxayaan lagu kantaroolo.

SomlegalAds

Muslimiinta dalkaas oo tiradoodu ilaa shan iyo sodon milyan tahay, ayaa cadaadis badani saaran yahay, waxaanay xukuumada dalkaasi ku kantarooshaa nolosha qaybaheeda kala duwan oo dhan, oo waxa xukuumada Beijing iska hor taagtay soonka bisha barakaysan ee Ramadaan waxa kale oo laga joojiyaa ama lagu kantaroolaa salaada iyo labiska haweenka.

Xukuumada Shiinaha ayaa hore u mamnuucday in ragu gadhka la baxaan, haweenkuna xijaab ay ku labisan karaan, gaar ahaan goobaha shaqada ee xafiisyada, waxa kale oo hore ay uga joojisay dhalinyarta afartan jirka ka yar in basaboorka dalkaas la siiyo ama ay dibada uga baxaan waddanka Shinaha.

Haddaba dhacdadii ugu danbaysay ee maamulka Shiinuhu ku soo rogay muslimiinta dalkaas ayaa ah magacyada ay caruurtooda ula baxayaan oo qaar badan laga mamnuucay, waxaana ka mid ah magaca muslimiintu ugu jecel yihiin uguna faafitaanka badan dunida ee Maxamed.

Waxa sida New York Times ku warantay si rasmi ah maamulka Shiinuhu u meel mariyay, sharci cusub oo mamnuucaya magacyada Maxamed, Mujaahid, Carafaat Iyo Muumin, waxa kale oo jira liis dheer oo magacyo rag iyo kuwo dumarba isugu jira oo mamnuucida ku jira.

Taas oo sida qoraaga faaladani ku tilmaamay meel ka dhac iyo tacadi ka dhan ah muslimiinta dalkaas oo sida uu sheegay, culays tiro badani awalba ka saarnaa dhinaca xoriyadooda iyo ku dhaqanka diintooda, waxaanu qoraagani ku baaqay in maamulka Maraykanka ee uu hogaamiyo Donald Trump culays xukuumada Beijing ku saaro sidii ay sharcigan adag hir gelintiisa u hakin lahayd, taas oo muslimiinta u noqonaysa gurmadka ugu wanaagsan.

Jariirada iyo qoraaga faaladan ku soo daabacay ayaa ka dayriyay nolosha dadka muslimiinta ah ee dalka Shiinaha, waxaanu ku tilmaamay inay ka mid yihiin, umadaha dulmiga ugu badan maamuladoodu ku hayaan, kuwaas oo ka liita meelo badan oo dunida iyo ururada xuquuqda aadamiga u ololeeya aad uga qayliyaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.