WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 16, 2015 (Saxafi) – Guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka Somalia ayaa Kenya ugu baaqay inay joojiso darbiga weyn ee ay iskaga xidhayso Soomaaliya, isla markaana ka codsaday in aanay ku soo durkin xadka layaqaan ee u dhexeeya labdda dal.

Qodobbada guddiga ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aankii baarlamaanku ka qaatay Darbiga lagu xidhayo xuduudda iyo dal balaadhsiga ay wadato Kenya.

Optimized-Security-WallCabdiqaadir Cabdilaahi Xamse oo xubin ka ah guddiga madaxa-banaan xuduudaha & federaalka Somalia oo akhriyey go’aanka ka soo baxay guddidaasi ayaa sheegay inay guddigu xukuumada Kenya ugu baaqayo inay dhawrto sharuucda caalamiga ah ee la xidhiidha in aanu wadan farogalin karin dhulka dalka kale, isla markaana ay xukuumadda Kenya ixtiraamto darisnimada labada waddan ka dhaxeysa, kana waantoowdo xud-gudubka ay ku heyso dalka Somalia.

SomlegalAds

Xukuumadda & baarlamaanka federaalka Somalia ayaa horay u sheegay in aanay ka aqbali doonin xukuumadda Kenya inay darbi ka dhisto xadka ay labadan dal u dhexeeya, iyadoo baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu go’aamiyeen inay sharci kasoo saaraan arrinta darbiga laga dhisayo soohdinta Somalia iyo Kenya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.