WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, July 19, 2018 (Saxafi) – Dawladda Somalia, gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa si cad u qiray in ciidamadda dalkaasi aanay u diyaar-saneyn in masuuliyadda ammaanka dalka Soomaaliya ay kala wareegeen AMISOM.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, Cabdi Saciid Maxamed Cali oo wareysi siiyay Africa Center for Strategic Studies, ayaa tilmaamay inaanay dawladdoodu wali ku guuleysan inay diyaariso ciidamadda, laakiin ay socoto dadaalo lagu dhisayo. “Qorshaha kala guurka ee ay dalka kaga baxayaan AMISOM waa mid ay isku raaceen dawladda Federaalka, maamuladda, AMISOM, dalalka ciidamadda ku tababarucay howlgalka iyo Beesha Caalamka kadib shirkii London ee bishii May,” ayuu yidhi Cabdi Saciid.

SomlegalAds

La-taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in awoodda al-Shabaab ay wali jirto, islamarkaana ay u suurageli karto waqti walba inay fuliso weeraro, isagoo ku nuux-nuux saday inay fekerkooda ay ka “iibiyeen” shacabka Soomaaliya. “Tan iyo 2007-dii markii ay ciidamadda AMISOM soo galeen Soomaaliya ammaanka dalka kuma jirin gacan Soomaaliyeed. Waxaana ay ku guuleysteen inay ka saaraan Al-Shabaab caasimadda. Balse, wali waxay yihiin kuwa meelo badan oo dalka ah jooga,” ayuu xusay.

Mar la su’aalay inuu qeexo heerka ay gaadhsiisan tahay in mas’uuliyiinta Soomaalidu aanay u diyaarsaneyn inay ammaanka dalka kala wareegeen Amisom, waa uu ka meer-maaray inuu sharaxo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qorshaha kala guurka uu yahay mid waqti badan u baahan si loo fuliyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dul-istaagay caqabadaha sababay inaan la fulin qorshahii dalka Somalia looga saari lahaa AMISOM, wuxuuna ku kala sheegay; amniga, dhaqaalaha, kala qeybsanaan siyaasadeed iyo awooda hay’addaha dawladda Somalia oo “liidata”

– Muxuu yahay qorshaha kala guurka? –

Qorshaha kala guurka oo ay isku raacsan yihiin dhinacyadda ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, iyo dawladda Somalia ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay kala ah; in ammaanka dalka lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya; dhisitaanka hay’addaha dowladda iyo joogtaynta taageerada.

Ugu horeyn, in ammaanka dalka lagu wareejiyo ciidamo Soomaaliyeed ayaa ka hor inta aan la wareegin waxaa lagu heshiiyay in ciidamada AMISOM kordhiyaan howlgalada Al-Shabaab ka dhanka ah, si ciidamada marka lagu wareejinayo ammaanka ugu fududaato gacan ku haynta meelaha Al-Shabaab laga qabsaday.

Dhismaha hay’addaha dowladda, ayaa waxaa iyaddana hoos-imaneysa in fulinta qorshaha amniga qaranka, oo ay kamid yihiin, in la diyaariyo ciidamo Boolis ah, tayenta hay’addaha cadaaladda iyo dib u habayn lagu sameeyo adeegyadda Bulshadda.

Joogtaynta taageerada, waxay tahay in beesha caalamka dowladda ka caawiso arrimo badan oo ay kamid tahay inay bixiso dhaqaalaha ku baxaysa howlahan la qabanayo, oo ay ugu horeyso; xasilinta, la dagaalanka fekrada “xagjirnimada” iyo isla xisaabtanka.

– Sida loo fulinayo qorshaha bixitaanka AMISOM –

Qorshaha kala guurka ah ee AMISOM dalka Somalia lagaga saarayo ayaa waxaa loo kala qeybiyay illaa saddex qeybood oo ku eg illaa iyo sanadka 2021, oo ka bilaabmaysa sanadkan aan hadda ku jirno ee 2018, sida laga soo xigtay La-taliyaha Amniga Qaranka.

Wajiga koowaad, waxaa ay socon doontaa laga bilaabo waqti xaadirkan, illaa iyo bisha June ee sanadka 2019. Wajiga labaad, wuxuu bilaaban doonaa bisha July ee sanadka 2019 illaa sanadka 2020.

Wajiga saddexaad oo ugu dambeeya ayaa wuxuu bilaabanayaa bisha koowaad 2021 illaa iyo December 2021.

Sikastaba, dhamaan qodobadan ay ku heshiiyeen Dawladda Somalia iyo Beesha Caalamka midna ma aanay ka dhaqan-gelin, sida uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka sheegay shirka arrimaha Soomaaliya ee salaasadii lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Brassels ee dalka Belgium.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.