WorldRemitAds
Nairobi, Kenya, February 12, 2016 (Saxafi) – Shir lagaga hadlay Maamulka Hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu soo gunaanaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa laga soo saarey sida la sheegay in maamula hawadda Soomaaliya lagu wareejiyo dawlada Soomaaliya.

Shirkan oo maalmihii u dambeeyey ka socday Nayroobi ayaa lagu go’aamiyay in maamulka hawadda sare lagu wareejiyo Soomaaliya, maadaama oo labaatan sanno laga hagayey wadanka Kenya oo qaramadda midoobay gacanta ku haysay.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta hay’adda Maamusha Hawada Somalia ee ICOA, Wasiir ku xigeenka Gaadiidka & duulista Hawada Somalia Xirsi Aadan Rooble, Danjiraha Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddiga Baarlamaanka Somalia u qaabilsan Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Danjiraha Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed oo kulanka kaddib Warbaahinta la hadlay qodobbadii lagaga hadlay kulankan, isagoo sheegay in Soomaalida halkan joogta ay yihiin dad sharci-darro lagu keenay oo 20-kii sano ee u dambeeyay ka shaqeynayay Dalka Kenya, iyagoo aa naan wax sharci iyo Xaquuq ah lahayn, lacago ku filanna aan la siin, taasoo ay u sii dheer tahay Hawadii Soomaaliya inay gacanta ku hayso hay’adda ICOA, taasoo meel ka dhac ku ah Dowladnimada Soomaaliya.
“Madaxdii ICOA, waxaan u sheegnay inay sharci-darro tahay in Soomaalida dalkooda laga keeno, Hawadii Soomaaliyana Sannadkan 2016-ka anagoo ku jirna dal kale laga maamulo, waxayna noo sheegeen in aanay jirin wax hor-taagan in maamulka Hawada dib loogu celiyo gacanta dowladda Soomaaliya, dibna shaqaalaha Soomaalida loogu celiyo dalkooda, ” ayuu yidhi Jamaal Xasan.
Dawlada Somaliland oo arrintani saameynayso ayaan ka hadal, iyaddoo hore uu buuq iyo muran arrintan marar kala duwan ka dhacay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.