WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 4, 2019 (Saxafi) – Dawladda Somalia ayaa wali dedaal ugu jirta sidii ay hab dublamaasiyadeed ugu hor istaagi lahayd dhaqdhaqaaqyada ay Somaliland ku raadinayso inay sameyso xidhiidho caalami ah oo u dhaweeya dhinaca dunida is aqoonsan.

Dawladda Somalia ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaysa isla markaana doonaysa inay hakiso dedaalada ay Somaliland galinayso, wadamada ku yaala qaarada Afrika ee xidhiidhka dublamaasiyadeed ka dhaxeeyo taas oo ay si weyn uga xumaatay xukuumada Muqdisho.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dawladda Somalia oo dhawaan dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay wadanka Kenya oo aanay ilaa hada jawaab ka helin ayaa mar kale isku dayey inay carqaladayso socdaalka uu madaxweynaha Somaliland ku joogo wadanka ku yaala Afrikada galbeed ee Guinea.

Warar rasmi ah oo la helay ayaa sheegay in madaxtooyada Somalia ay si weyn uga cadhootay socdaalka uu madaxweynaha Somaliland ku tagay wadanka Guinea, taas oo keentay in dawlada Muqdisho ay isku daydo inay hor istaagto socdaalka weftigan.

Wararka ayaa xaqiijiyey in dawlada Muqdisho ay safiirkeedii midawga Yurub iyo wadanka Belgium Cali Siciid Fiqi u dirtay dalka Senegal ee ku yaala galbeedka Afrika si uu halkaas uga bilaabo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dedaalada ay Somaliland wadamada Afrika kaga doonayso ictiraaf ay ka hesho.

Sidoo kale wararka ayaan ilaa hada soo bandhigin waxyaabaha u qabsoomay safiirka ay Somalia u dirtay dalka Senegal iyada oo weftigii Somaliland ay si habsami leh ugu guda jiraan hawlihii shaqo ee ay u tageen wadanka Guinea ka dib martiqaadkii uu Madaxweynaha Somaliland ka helay dhigiisa dalkaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ka cadhaysan weftiga Somaliland ee sida meeqaamka sare loogu soo dhaweeyay dalka Guinea ayaa kulan saxaafadeed uu warbaahinta Muqdisho iskugu yeedhay uu ka baaqday.

Warbaahinta Muqdisho ayaa waxa looga yeedhay Xafiiska wasiirka arimaha dibada iyadda oo loogu baaqayo in ay ka soo qayb-galaan shir muhiim ah oo wasiirku qabanayo.

Saacad ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday kulankii uu Saxaafadda isugu yeedhay Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirka soo saari doono war saxaafadeed qoraal ah.

Sida warku sheegay wasiirka ayaa doonayay inuu ka hadlo qaabkii Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay loogu soo dhaweeyay dalka Guinea taas oo dawladda Somaliya ka Cadhootay.

Talaabooyinka ay qaadayso dawladda Somalia ayaa muujinaya in dawlada Somalia ay dhinac iska saartay wada hadal iyo macaamil wanaagsan oo ay Somaliland la yeelato inta ay dhinac u kala baxayaa taas badalkeedana ay awooda saarayso inay hor istaagto talaabo kasta oo ay Somaliland qaado isla markaana ashkato gaadhsiiso wadamada sida tooska ah xidhiidhka ula samaysta, qorshahaas oo haatan u muuqda inuu fashilmayo isla markaana aanu hirgeli karin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.