WorldRemitAds

Qaraarkani Saameyn Intee Le’eg Ayuu Ku yeelan doonaa Rajadii Xulafada Sucuudigu Ka Qabeen Inay Saldhig Milateri ku yeeshaan Berbera?

Hargeysa, Somaliland December 11, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Xayiraadda ku meel-gaadhka ah ee ay dawladda Sucuudi Carabiya ku soo rogtay xoolihii uga dhoofi jiray dhammaan deegaanada Soomaalidu degto, iyadoo ay Somaliland tahay suuqa ugu weyn ee xoolaha ugu badan looga dhoofiyo dalka Sucuudiga.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aanka dawladda Sucuudiga ku xayiray xoolihii uga dhoofi jiray Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalida aanu ahayn go’aan sax ah oo aanay ka Somaliland ahaan jeclaysan, taas oo uu xusay in xoolaha Somaliland uga dhoofa Sucuudigu yihiin kuwa caafimaadka qaba oo aanu jirin wax cudur ah oo ay ku ogyihiin.

SomlegalAds

Dawladda Sucuudiga ayaa go’aankeedani waxa uu ka dambeeyay kadib markii sida ay sheegeen in bishii hore badhtankeedii Shixnad Dibbi ah oo uga dhooftay dalka Somalia laga helay xanuun, isla markaana shixnaddaas gebi ahaanteedba dib loogu soo celiyay dekedda Muqdisho oo ay markii hore xoolahaasi ka dhoofeen. Inkasta oo aanay Dawladda Sucuudigu kala saarin xoolaha uga dhoofa dekedda Berbera iyo kuwa kale ee ka dhoofa dekedaha dalka Somalia, haddana shixnaddaas xoolaha ah ee ka dhooftay Muqdisho waxay sababtay in dawladda Sucuudigu  si ku-meel-gaadh ah u joojiyeen xoolihii gebi ahaanba uga iman dhulka Soomaalida.

 “Warkaasi waanu la soconaa waana na soo gaadhay, mana aha war aanu jeclaysanay,,xoolaha la hakiyay waa xoolihii Soomaalida guud ahaan. Dhul-yawga Soomaaliyeed oo dhan ayay noqonaysaa xoolahooda inay yidhaahdeen waanu hakinay,guud ahaan xoolahaasi, neefka adhiga ah waa arrin nololeed, waa arrin dhaqaale,,anagu waxaanu xaqiijinaynaa markhaatigeedana leh inaanay xooluhu qabin wax xanuuna gaar ahaana xanuunadaa la sheegay ee ay tilmaamayso warqadda qoraalka ah ee ay soo saareen dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaana wasaaradeeda Saraacadu,,anagu waxaanu xaqiijinaynaa inaanay jirin xanuun ay xoolahaasi qabaan” ayuu yidhi wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in wasaaraddiisu shaqada ay haysaa tahay tayeynta iyo caafimaadka xoolaha, isla markaana ay jiraan hay’addo caalami ah oo ay ka mid tahay OIE oo ah hay’ad caalami ah oo xoolaha ka baadha cudurrada saddexdii biloodba mar ay la shaqayso, waxaanu yidhi: “Wasaaraddan shaqada ugu badan ee ay qabato waa shaqada caafimaadka xoolaha, hay;addo caalami ah oo ay ka mid tahay Hay’adda OIE oo ah hay’add caalami ah oo cudurada xoolaha baadha saddexdii biloodba mar ayaa nala shaqaysa.”

cukuseWasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, waxa uu sheegay in ay ka shaqayn doonaan sidii ay Boqortooyadda Sucuudi Carabiya iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahba ku qanciyaan in xoolaha Somaliland aanay qabin wax cudur ah, oo ay yihiin kuwo caafimaad qaba.

 “Waxaanu dalbanaynaa in aanu dhacsiino ururada marka horeba nalaga socday arritan iyo dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ah suuqa ugu weyn ee xoolaheenu haystaanba waxaanu ku rajo weynahay inay nagula qancaan, arrinkayaggana aanu markhaatigiisa caddayno dadaal badan ayaanuna hadda ku jirnaa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cabdillaahi Cukuse, wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Dhinaca kale, ilaa hadda ma jiro tafaasiil ka soo baxday dhinaca dawladda Sucuudi Carabiya oo la xidhiidha go’aankeeda, hase yeeshee go’aankan ayay khubarrada isha ku haya Mandaqadda Geeska Afrika iyo Bariga dhexe ka shaki qabaan inay ku lug-leedahay arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale, Gaashaan-Buurta Ciidamada Dawladaha Carabta ee uu hoggaaminayo dalka Sucuudiga, isla markaana dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya dalka Yemen, ayaa bilihii ugu dambeeyayba isku dayayey inay Saldhig Milateri ka helaan Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera, kaas oo ay doonayaan inay u isticmaalaan duqaynta iyo kor kala socoshada dhaqdhaqaaqyada kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo laga shaki qabo in marinka keliya ee hubka iyo saanadda ay dawladda Iiraan u soo mariso Xuutiyiinta uu yahay marinka Cadmeed ee ku yaal badda Cas ee u dhaxaysa Somaliland iyo Yemen, hase yeeshee Boqortooyadda Sucuudiga iyo Xulafadeeda Carbeed ayaan ilaa hadda ku guulaysan ogolaanshaha Saldhig Milateri oo ay ku yeelato magaalada Berbera, iyadoo la rumaysan yahay inaan dawladda Somaliland ku qancin nooca uu noqonayo Saldhiggaas milateri. Sidaas darteed, waxay tallaabadan Sucuudigu ku xayiray xoolihii uga dhoofi jiray Somaliland iyo Soomaalida kaleba si adkayn doontaa rajadii uu ka qabay inuu ogolaansho uga helo Somaliland Saldhig uu ku yeesho magaalada Berbera.

Waxa kale oo  la ogsoon yahay in dhowaan hay’ado iyo khubaro caalami ahi soo saareen warbixino sheegaya in Sawaariikh ay dhowaan kooxda Xuutiyiintu ku duqaysay magaalooyin ku yaal Koonfurta dalka Sucuudi Carabiya, ay ka heleen dhinaca dalka Somalia, kuwaas oo sida khubaradani sheegeen ay dawladda Iiraan u soo marisay kooxda Xuutiyiinta dhinaca dalka Somalia oo looga tahriibiyey, taas oo ay dawladda Boqortooyadda Sucuudi Carabi aad uga cadhootay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.