WorldRemitAds

Colombo, Sri Lanka, May 29, 2018 (Saxafi) – Dawladda Sri Lanka ayaa ka mahad celisay 12 ruux oo dalkaas u dhashay oo Somaliland ka shaqeynayay, Islamarkaana dib ugu laabtay dalkaas shalay.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Sri Lanka waxaa ay sheegtay in iyada oo gacan ka heleysa Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ay tallaabooyin qaaday si ay dib ugu soo celiyaan 12 shaqaalaha reer Sri Lanka ah oo ka shaqeynayay  Somaliland.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in ay Safaaradda Sri Lanka ee Addis Ababa ay iyada oo gacan ka heleysa IOM ay ku guulaysatay xaqiijinta nabadgelyada shaqaalaha soogalootiga ahaa oo dhamaa 12 Sri Lanka u dhashay, kuwaas oo ku suganaa Somaliland, iyaddoo ay jirtay muran xagga shaqada ah oo dhex maray iyagga iyo ciddii ay u shaqeynayeen.
“Sri Lanka ma laha diblomaasiyiin iyo qunsuliyad u joogta Somaliland. Sidaa darteed Wasaaradda iyo Safaaradda Sri Lanka ee Addis Ababa waxay la shaqeynaysay Xafiiska IOM ee Hargaysa. taas oo ka shaqeysay wada hadal ay la yeelanayso loo shaqeeyaha Somaliland si ay u xalliyaan khilaafaadka shaqaalaha iyo in si nabadgelyo ah loo fasaxo Sri Lankaankan oo ay ku noqdaan dalkooddii.” Sidaas ayay tidhi wasaaradda warfaafinta Sri Lanka.
Laba iyo tobankan ruux ee Sri Lankaanka ah ayaa gurigoodii ku laabtay shalay galabnimadii 28 May 2018.
“Xukuumadda Sri Lanka waxay ku qanacsan tahay doorka IOM ee bixinta gargaar ay aad ugu baahnayd  Dowladda iyo dadka Sri Lanka munaasabaddan iyo sidoo kale horeba xaalado badan oo la mid ahaa,” ayaa lagu yidhi bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku boorrisay dhammaan Sri Lankan in ay ka taxaddaraan in ay qabtaan shaqooyin goobaha khatarta sare leh ee Sri Lanka aanay haysan joogitaanka dibloomaasiyadeed iyo qunsuliyad.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.