WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 26, 2018 (Saxafi) – Waxaa la saadaaliyay in maalinimada Jimaca iyo Sabtida uu dhacayo dayax madoobaad (lunar eclipse) kii ugu dheeraa kasoo laga arki doonno inta badan qaaradaha aduunka.

Dayax Madoobaad-kan ayaa waqtiga uu soconayo waxaa lagu tilmaamey inuu yahay kii ugu dheeraa qarnigan iyadoo la filayo inuu dhaco habeenimada Jimacaha ilaa subaxnimada Sabtida July 27-28, 2018, Dayaxa waxaa kuligii daboolaya meeraha dhulka muddo Hal saac iyo 43 Daqiiqo ah. Dayax madoobaadka ayaa yimaada marka dhulku kala dhexmaro qoraxda iyo Dayaxa, kaasoo Hadh noqonaya gabi ahaantiis ama qayb kamid ah.

SomlegalAds

Qorax madoobaad-ka ayaa ka badan in dhulka kala dhexmaro labadaan meereysane (Dayaxa & Qoraxda), Dayax madoobaad walba waxaa laga arkaa in ka badan kala badh dhulka.

Madaama Dayax madoobaadkani uu yahay mid aan inta badan dhicin, madada uu socanayo darteed ayaa habeenimada Jimacaha intiisa badan mugdi ahaanaya madaama Dayaxu dhaafayo badhtamaha dhulka oo intiisa badan habeen ah.

Halka iyo waqtiga la arki karro

Meelaha ugu wanaagsan oo si fiican looga arki karo dayax madoobaadkani waa barriga Afrika, Bariga dhexe, India dhamaanteed iyo dhul ku yaal cidhifka dalka China. Balse meelo ka mid ah Afrikada kale ayaa si wanaagsan looga arki karaa, Yurub halka meelaha kale lagu sheegey Asia, Austrlia iyo dhulka geeska ku yaal koonfurta America.

Austrlia: Dayaxa inuu noqdo Casaan/Guduud waxaa uu bilaamaya 4:30 am AEST subaxnimada Sabtida, iyadoo madoobaadku soconayo muddo u dhexysa 5;30 ilaa 6:30.

UK: Qayb madoobaadka Dayaxa kamid ah waxaa la arkayaa 8:30pm fiidnimo, Dayaxana waxaa uu ka muuqanayaa Koonfur- Barri ilaa inta laga gaadhayo 10:13pm.

Barriga Afrika: Qayb kamid ah Dayax madoobaadka waxaa uu bilaamayaa 9:30pm fiidnimo, isagoo gabi ahaan isu badalaya Guduud inta u dhexysa 10:30pm ilaa 12:13am. Gobolkan ayaa la sheegey inuu yahay halka u wanaagsan oo si fiican looga arki karo Dayax madoobaadkan.

India: Dayax madoobaadkaan ayaa dalkaan ka bilaamaya 1am, waxaa uu dhamaanaya 2:43am.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.