WorldRemitAds

Kooxaha Falaga Islaamiga adduunka ee xaruntoodu tahay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya, ayaa shaaciyay saadaasha dayax madoobaad noociisu naadir yahay oo la filayo inuu ku beegmo haddii Alle idmo maalinta Arbacadda Beri ee ugu danbaysa bishan aynu ku jirno ee January 2018-ka.

Kaas oo sida la sheegay noqonaya kii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1866-kii, dunida noociisa oo kale soo maro, sida la sheegay habeen-nimadan dayaxu madoobaanayo ayaa ku beegmaysa afar iyo tobanaad, xili dayaxu yahay, kaas oo noqonaya kii labaad ama afar iyo tobnaadkii labaad ee bishan January 2018-ka soo mara.

Afar iyo tobnaadkan dayaxu madoobaanayo ayaa sida culimada falaga Islaamigu bayaan ay soo saareen ku sheegeen, noqon doona mid dayaxu midabka buluuga yeelan doono, oo sida bayaan lagu sheegay noqonaya dayax madoobaad buluug isu badalaya, kaas oo noociisu noqonayo mid layaab leh oo muddo 152-kun oo sanadood ah.

SomlegalAds

Dayax gacmeedka noocan oo kale ah ee dayaxu buluuga noqonaya ayaa markii ugu danbaysay ee dunida dhinaceeda galbeed uu soo maraa ahayd sanadkii 1866-kii, hasa yeeshee dhinaca bari ee dunida gaar ahaan Eeshiya iyo afrikada bari iyo bariga dhexe waxa uu daxay madoobaadka noocan oo kale ahi dhacay, December 30, 1982-kii, wallow uu aad uga yaraa kii ka horeeyay iyo kan la filayo arbacada soo socota ee January 31, 2018-ka.

Dayax madoobaadkan ayaa laga wada dareemi doonaa qaybo ka mid ah, waqooyga galbeed iyo waqooyiga Ameerika, Degaanada Hawaii, Alaska, waqooyiga  bari ee Yurub, badhtamaha iyo bariga Eeshiya, waddamada ku teedsan badweynta India, Badweynta Baasifiga, Australia, Antaractica, sidoo kale qaybo ka mid ah, waqooyiga Yurub, Eeshiya, Australia iyo North America qaybo ka mid ah ayaa sidoo kale laga dareemi doona.

Waxaanu noqonayaa kii ugu balaadhnaa ee saamaynta wayn ku yeesha dunida gaar ahaan sanadkan bilowga ah ee 2018-ka, waana mid noociisu layaab badan yahay oo midabka buluuga ah uu dayaxu isu badali doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.