WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March, 19, 2012, (Saxafi) – Waxa lagu  guuldaraystay dadaalo la doonayay in xabsiga lagaga sii daayo odayaal  ay xukuumada Somaliland Magaalada Laascaanood ugu xidhay tuhun la xidhiidha ciidamo ka goostay dawlada maalintii doraad.

Waxagaradka Magaalada ayaa ilaa habeen hore kulamo is daba joog ah la lahaa madaxda dawlada, kuwaasoo isku dayay in  odayaasha xidhan la sii daayo, laakiin waxa taas ku gacansaydhay  maamulka  oo aaminsan  in ay ka dambeeyeen ciidamadii goostay, isla markaana ay gacan kuu siiyeen  qorshadooda, iyaga oo odayaasha u sheegay in ay  sharciga horkeeni doonaan.

Qaar ka mida dadweynaha reer Laascaanood oo aan wax ka waydiinay, ayaa xukuumada ugu baaqay   in odayaasha loo sii daayo si dhakhso ah ama maxkmada la horkeeno, waxaana ay go’aankii lagu xidhay ay ku tilmaameen   arrin lagu deg-degay. “Waxa aanu leenahay odayaashani waxbakamadanbayn wiilasha u baxsaday dhinaca Khaatumo, iyagaa go’aanka gaadhay, la soo daayo,  haddee sharciga  ha la horkeeno wax lagu qanco  ayaa loo baahan yahay “ ayuu Maxamuud Jaahuur. “Somalilandwaa dimuqraadi, waxaan xukuumada ugu baaqayaa in  nimanka xidhan ee aan waxba lagu haysan la soo daayo, dalkan maaha xukun milatari lagu haysto  wadanka waa la wada leeyahay” ayuu  yidhi”  Ismaaciil Cumar Axmed.

SomlegalAds

 Magacyada  odayada xidhan.

. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare)

2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere)

3. Guray Faarax Jaamac Xiir

4.. Maxamed Kaariye

5. Dalab Shire Aw cilmi

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

7. Sheekh Cabdicasiis Indhocase

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.