WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 14, 2018 (Saxafi)- Deddaalo la rabbo in lagu Tayeeyo Waxbarashada Somaliland oo socda ayaa waxa ka mid ah: Hay’adda Bahdwaagta caalamiga ah ee dhinaca waxbarashada ee loo yaqaano The Global Partnership For Education (GPE) ayaa ansixiyey  lacag dhan 7.68 milyan oo doolar oo loogu talo-galay inay kaga qayb qaataan  dedaalada xukuumadda Somaliland ku tayaynayso waxbarashada dalka.

Siday faafisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  oo soo xiganaysa  warbixin ay soo saartay Hay’adda Save the Children, waxa  Bahdwaagta caalamiga ah ee dhinaca waxbarashadu ay  qoondeeyeen in mashruucaasi laga fuliyo Somaliland muddo saddex sannadood ah, waxaana la daah-furayaa   bishan July 2018 illaa 2021-ka.

SomlegalAds

Barnaamijkan waxa loo asteeyey in kor loogu soo qaado tirada wiilasha iyo hablaha aan dhigin dugsiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kaloo barnaamijkan ku jira nidaam dhiirigelinaya in carruurta xili hore loo qoro dugsiyada waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in bahwadaaagta caalamiga ah ee waxbarashada iyo Hay’adda Save the Children ay dawladda kala shaqaynayaan tayaynta waxbarashada, si Somaliland u hawaysato horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Sidoo kale, Madaxa fulinta ee Bahwadaagta caalamiga ah ee waxbarashada ee GPE, Alice Albright, ayaa ku ammaanay Somaliland inay samaysatay qorshaha dheer ee dhinaca waxbarashada, sidaas darteedna ay taageerayaan sidii loo fulin lahaa qorshahaas.

Warbixintan waxa lagu xaqiijiyey inay kordheen tiradda hablaha dhigta dugsiyada hoose iyo sare ee Somaliland.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo fadhigii shalay ee golaha wasiirrada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay go’aamiyeen in awooda la saaro tayaynta waxbarashada, hirgelinta dugsiyada farsamada iyo kor u qaadista tababarada macalimiinta dalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.