WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 31, 2018 (Saxafi) – Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo labadii toddobaad ee u dambeeyey Goboladda Bariga Fog ee Jamhuuriyadda Somalilad ka waday hawlgalka diwaangelinta iyo madaxtaabashadda shaqaalaha dawladdda ee deegaanaddaasi ku sugan, ayaa soo gebagabeeyay diwaangelintii ay ka waday deegaanadda kala ahJiidali, Yubbe, Hadaaftimo, Badhan, Dhahar, Xiingalool, Laasqoray iyo deegamada kale ee hoos yimaada.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka warbixiyey Deegaano ka tirsan Goboladda Bariga Somaliland oo ay qaarkood soo gebo gebeeyeen hawlgalkii diwaangelinta iyo madaxtaabashadda shaqaalaha dawladda ee halka ku sugan, waxaanu tafaasiil ka ka sii bixiyey geediga hayaanka ee loogu jiro sugida tiradda iyo tayadda shaqaalaha dawladda oo si habsami ah ay ilaa hada hay’adda shaqaaluhu dalka uga wado, waxaana qoraalka uu halka wax u marayaan kaga hadlay guddoomiye sharmarke u dhigan yahay sidan. “Illaahay Fadligii waxaa maanta oo ah maalintii saddexaad soo idlaaday Diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ku sugnaa deegaamada Jiidali, Yubbe, Hadaaftimo, Badhan, Dhahar, Xiingalool, Laasqoray iyo deegamada kale ee hoos yimaada, halkaas oo ay isku diiwaangeliyeen si xarago iyo xiiso le isla markaana aan u soo ogaanay inta ay barkhad iyo baylah leeyihiin.

SomlegalAds

Xaalad walba, Xarun walba iyo Xuduud walba waxa ay ahayd Xirfada Xog Xaqiiq ah lagu soo helay isla markaana lagu Xasladay quluubta adeegayaasha ummada.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.