WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 21, 2018 (Saxafi) – Deeq laxaad leh oo loogu talo galay ciidanka qaranka ee ku sugan jiida hore ee xuduudaha Somaliland gaar ahaan aaga barri ee Tukaraq ayaa waxaa shalay si ramis ah ula wareegay Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), deeqdaasi oo iskugu jirtay 626 (Lix boqol iyo lix iyo labaatan) Neef oo adhi ah, 12(Laba iyo toban)Neef oo geel ah, 500 (Shan boqol) oo kiish oo milix ah iyo 150(Boqol iyo konton) kiish oo bariis ah.

Deeqdan oo ay wadeen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka Selel oo uu hor kacayo gudoomiyaha gobolkaasi mudane Mawliid Maxamed Nuur qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee gobolkaasi iyo masuuliyiin kale ayaa ka hadlay goobtaasi, Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka Selel Mawliid Maxamed Nuur oo halkaasi ka jeediyey tirada deeq-da ay ugu tallo galeen ciidanka qaranka Somaliland waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo garab istaago ciidamada qaranka kaasi oo sheegay in gobolku uu dhawaan uun ku sugnaa xaalad adag kadib markii ay soo wajahday duufaantii SAGAR ee ku dhufatay deegaanada xeebta.

SomlegalAds

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaaax) oo aad ugu mahad celiyey shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Selel oo si weyn uga qayb qaatay deeq-bixinta iyo taakulaynta ciidanka Qaranka ay tahayna in aad loogu daydo kaasi oo si gaar ah u bogaadiyey bulshada ku dhaqan gobolkaasi oo uu sheegay in iyagoo dhawaan uun ka soo baxay duufaano iyo dhibaato ay hadana is-garab istageen ciidaanka.

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib taasi oo sheegtay in dhamaan shacabka ku dhaqan guud ahaan Somaliland ay tahay si weyn in ay u garab is taagaan ciidamadooda ku sugan jiida hore ee Tukaraq waxa kale oo dhambaal hambalyo ah u dirtay shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Selel.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiir ka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo halkaasi ka jeediyey hadalo kala duwaan oo iskugu jira mahad-naq iyo baaq uu u diray shacabka gobolada Awdal iyo Sanaag kaasi oo sheegay in wali si weyn loo tabayo taakuladii ciidamada qaranka ay ku garab-gali lahayeen waxaanu tilmaamay in si weyn loo sugayo labadaasi gobol, Geesta kale waxa uu halkaasi aad ugu mahad celiyey gudoonka iyo shacabka gobolka Selel kaasi oo tilmaamay in wakhti dhaw ay ahayd markii ay ku dhufatay duufaantii SAGAR taasi oo wax yeelo weyn u gaysatay dad iyo duunyo kala duwan oo ku dhaqan deegaanada xeebaha Somaliland waxaanu tilmaamay in aysan taasi ka hor istaagin in ay taakuleeyaan ciidankooda ay tahayna in si weyn loogu habalyeeyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.