WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, June 2, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo 54-sannadood ka dib ku guulaysatay inay shalay Dekedda Caalamiga ee Berbera keento Taag cusub oo maraakiibta waaweyn ku soo xidhi doona Marsada Berbera.

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa ku guuleystay inuu dekedda Berbera keeno Taagan cusub oo 3000 oo horse Power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 Horse Power, isla markaana la keenay sanadkii 1976,-kii oo ay keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.

SomlegalAds

Taagan cusub oo ah nooc casriya ayaa maamulka dekedda Berberi ka soo Iibiyey dalka Turkiga, waxaanu Taagani wataa qalab dheeraad ah oo dekeddu u baahan tahay xiligan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dabdemiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd.

 Sidoo kale, Waxa qalabkan ka mid ah Pilot boat oo cari ah, kaas oo qaadaya pilots Somaliland si ay u soo xidhan halka ay awal huudhi yar raci jireen.

Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo mudo kooban xilka maamulka dekeda Berbera hayey ayaa ku guulaystay inuu durtaba daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dekeda Berbera, si ay ula tartanto dekedaha ku yaalama mandaqada Geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba.

 Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi oo faahfaahin kooban ka bixinaya qalabkan ay ku guulaysteen inay keeneen dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Qalabkan casriga ah ee aanu keenay Dekeda Berbera wuxuu leeyahay Taag wata dhamaan qalabkii kale ee Dabdemiska, horena umaynaan lahayn debdemiskaasi Badda.

Waxa inoogu dambaysay ilaa 1976 oo dalka la keentay Taagii ugu horeeyey, intay Somaliland jirtayna lama keenin wax taag ah oo cusub oo kan ka horeeyey.

Ka Maareeye ahaan waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nala garab galay sidii keenista qalabkani ay noogu fuli lahayd isla markaana gacan weyn naga siiyey” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi, mar uu faahfaahin ka bixinayey qalabkaasi casriga ah ee la keenay Dekeda Berbera.

Qalabkan cusub ee Taaga loo yaqaano ayaa loogu magac daray madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyada Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Qalabkan Taaga ah ee dekeda Berbera hadda la keenay, ayaa sidoo kale wax weyn ka tari doona hawlaha shaqo ee ay dekeda Berberi hayso,  kaasoo kordhin doona koboca dhaqaale iyo suuqa ganacsi ee Dekedda Berbera  ay noqoto mid si weyn usoo jiidata maraakiibta caalamiga ah ee badeecadaha kala duwan u sida Somaliland iyo dalalka Geeska Afrika.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.